Fadeexada Dul Hogonaysa Safarka Aagasimaha Wasaarada Caafmaadka Ee Somaliland Uu Ku Joogo Norway (Political Scandal)!
Norway (HWN) Masuuliyiinta xisbiga Waddani ee Dalka
Norway ayaa soo bandhigay fadeexado ay sheegeen inay dul hogonayaan safarka Agaasimaha
Guud ee Wasaarada Caafimaadka Somaliland Dr. Maxamed Cabdi Xargeeye uu ku joogo Dalka Norway.
Masuuliyiinta Xisbiga Waddani ayaa qoraal ay kaga
hadlayaan safarka Agaasime Xergeeye iyo fadeexada dul hoganaysa oo ay soo
gaadhsiiyeen shabakada Hadhwanaagnews ayaa uqornaa sidan:-
Xisbiga Wadani Norway wuxuu dabagal balaadhan ku sameeyay
Safarka agaasimha Wasaarada Caafmaadka Somaliland Dr. Maxamed Cabdi (Xeergeeye) uu ku joogo
Norway! Qodobada hoos ku xusan ayaana koobaya dabagalka:
Ka dib baadhitaano aanu galanay waxaa noo soo baxay in
aanu Agaasimaha Guud ee Wasaarada Caafimaadku haba yaraate wax martiqaad formel
ah aanu ka helin laamaha Caafmaadka ee Norway. Lakiin ay jiri karaan kulamo yar
yar oo gole kafuul ah si loo helo sawiro iyo muqaalo fududeeya in la mijiro habaabiyo
shacbigeena xumadaysan (propaganda).
Agaasimahu wuxuu ka dhuumanayaa musuqmaasuqa dul-hoganaya
dhakhtarka iyo Wasaarada Caafmaadka ee Somaliland.
Akhriste ka soo qaad in aanad kalsooni ku qabin
qoraalkayga. Si aan kuu dareensiiyo in wax wayni qaladanyihiin iiga jawaab
su’aalahan adigoo la kaashanaya garashadaada saxda ah:
1-
Sidee ayay suurto
gal u tahay in agaasimihii dhamaa ee wasaaradu uu safar u baxo xilli shacabi
badani u sakaraadayaan xumad aan la cadayn waxay tahay, loona geeriyooday?
2-
Miyaanay ahayn maalintii ugu haboonayd ee agaasinkiisa
iyo shaqo wanaagiisa uu soo bandhigi lahaa? Ma maalin safar loo baxaa?
3-
Inta aan safar loo bixin ama aan aduunyada kaalmo la
waydiisan wax ka horaysa in lays waydiiyo Somaliland misaaniyad intee leeg ayay
galisaa barnaamijkeeda caafmaadka? Marka hore ayaabay dawladu caafmad xumada
jirta ka badheedhay. Muxuu tarayaa safar dibadeed markaas? Ma Norway ayaa
barnaajimka caafmaadkeena masuul ka noqonaysa? YAAB!
Sida ku cad barnaamijka misaaniyada 2022, Somaliland
6.10% ayay Barnaamijka caafmaadka galisaa! Bal ii sheeg wadan aduunyada
boqolkiiba lix kaliya ku bixiya barnaamijkiisa caafmaadka?

-
Ku
darsoo oo shaqsiyaadka ku magacaaban xafiiska Somaliland Mission In Norway,
xirfadooda iyo aqoontooda oo hoosaysa darteed lama laha wada shaqayn Dawlada
Norway. Mana jiraan mashaariic udhexeeya Somaliland iyo Norway. Caawimooyinka
faro ku tiriska ahi ha’ayddo madax banaan ayaymaraan.
-
Safiir
Maxamed Liinan isaga ayaan xidhiidh la yeelan lahaa Norway hadii uu karti,
aqoon iyo capacity-geeda leeyahay. «Riyo
haddii Ay Dub leeyihiin Dabadooda Ku Qarin Lahaayeen»
-
Aqoonta
iyo Xirfada xadidan ee Safiirku waa ta keentay in shakhsiyaad kale oo aan
Somaliland xil iyo shaqo toos ah midna ka ahayn uu iska soo horaysiiyo markii
uu madaarka Oslo ku qaabilayay agaasimaha. Shakhsiyaadkaas oo safiirka ka
caawin kara inay u soo kaxeyaan laba qof oo cad cad oo safiirka iyo agaasime
Xeergeye sawiro la gala.
-
Xasuusin:
Wadani-Norway waxay si hoose ula xidhiidheen ilo xogogaal u ah qadiyadan kuwaas
oo ku sugan guddo iyo dibadba.
- Gunaanad; Rag sagaashanka dhaafay oo gadhka saynta gamaankiyo kabad soohan la moodo ayaa sambab loo lulayaa oo baruur saafi ah mooday oo la sii jeedinayaa. Waanu idin arkaynaa!!!" Qoraalkan
waxaa si wada jir ah u soo saaray Wadani-Norway