Hadal-heyn Ka Dhalatay DIyaarad Gargaar Sidda Oo Ay Kenya U Dirtay Soomaaliya
Dalka Kenya oo ka mid
ah waddamada geeska Afrika ee ay sida ba'an u saameysay abaarta ayaa diyaarad
sidda gargaar ugu deeqay dalka deriska la ah ee Soomaaliya. Deeqdan ayaa waxaa
buuq iyo sawaxan ay ka abuurtay baraha bulshada iyadoo in ka badan rubuc ka mid
ah dadka u dhashay Kenya ee ku nool dhulka xoola dhaqatadu dagaan iyo dhulalka
oomanaha ah ay soo food saartay xaalad cunto yari ah, sida lagu sheegay
warbixin ay soo saartay Qaramada Midoobay.
Shixnaddan ayaa isugu
jirtay raashiin kala duwan iyo dawooyin leh noocyo kala duwan, sida lagu
sheegay war ka soo baxay militariga Kenya.
Dowlada Kenya ayaa
sheegtay in gargaarkan uu jawaab u yahay qaraxyadii toddobaadkii hore ka dhacay
magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya, kuwaasoo ay ku dhinteen dad ka
badan 120 qof.
Gargaarkan ayaa waxaa
Soomaaliya gaysay mid ka mid ah diyaaradaha militariga Kenya. "Waxaan
dareemeynaa xanuunka ay dareemayaan walaalaheena Soomaaliya, waxaana uga
mahadcelineynaa Madaxweyne William Ruto howshan oo wax ka tari doonta
dhibaatada haysata dalka deriska nala ah,” ayuu yiri Korneyl Victor Kang’ethe.
Madaxweyne ku xigeenka
dalka Kenya Rigathi Gachagua ayaa Khamiistii ka codsaday shacabka Kenya in ay
raashin ugu deeqaan shacabkooda gaajaysan ee gudaha Kenya, sida ay sheegtay
warbaahinta gudaha.
"Qof u dhashay
Kenya waa in uusan gaajo u dhiman iyada oo muwaadiniinta
kale ee Kenya ay haystaan cunto dheeri ah,"
ayaa laga soo xigtay madaxwayna ku xigeenka.
Diyaaradan sida
gargaarka ee ay Dowladda Kenya u dirtay Soomaaliya ayaa waxaa ka dhashay
fal-celin ay baraha bulshada, sida Twitter-ka ku soo qoreen qaar ka mid ah
madaxda iyo shacabka Kenyanka.
Babu
Owino, oo ka tirsan xildhibaannada baarlamaanka Kenya, ahna mid ka mid ah
siyaasiyiinta ugu codka dheer ayaa dowladda Kenya ku dhaliilay tallaabadan.
Dadka arrintan ka
hadlay qaarkood ayaa sheegay in gargaarka loo diray Soomaaliya looga baahnaa
gudaha Kenya oo ay dada badan abaarta saameysay.
"Ma idinka Dhab
baa, carruur ayaa ku dhimanaysa Turkana idinkana ma cunto ayaad u qaadaysaan
Soomaaliya?," ayuu yiri mid ka mid ah dadka fal-celinta ku sameeyay
Twitter-ka.
Qof
kale ayaa isagana isweydiiyay su'aashan: "Sidee ugu dirtaa Soomaaliya
diyaarad ay ka buuxaan cuntooyin, iyada oo dadkeenna ay gaajo u dhimanayaan? ma
aha wax aqliga galaya." Qof kale ayaa soo qoray: "Yaa yiri waxaan
haysannaa wax naga badan oo nagu filan oo aan bixinno?" Xilli roobabkii
afraad oo baaqday ayaa sababaya mid ka mid ah abaarihii ugu xumaa ee Bariga
Afrika soo mara muddo tobanaan sano ah. Dalka Kenya dad ay tiradooda dhan tahay
4.2 milyan ayaa wajahaya cunno la'aan.
Abaarta ayaa si gaar ah
u saameysay 24 ka mid ah ismaamullada ka jira dalka Kenya. Gobollada ay degaan
dadka xoolo dhaqatada ah sida gobolka Soomaalida ee Waqooyi bari ayaa ka mid ah
goobaha ay abaartan sida ba'an ay u saameysay.
BBC