IMran Khan Oo Farta Ku Fiiqay Dad Uu Sheegay Inay Ka Dambeeyeen Weerarkii Lagu Dhaawacay
Ra'iisul wasaarihii
hore ee Pakistan Imran Khan ayaa khudbadiisii ugu
horeysay jeediyay tan iyo markii la toogtay xilli uu ka qeyb galayay isu soo
bax ka dhacay magaalada Wazirabad ee bariga dalkaasi.
Isagoo ku fadhiya
kursiga loogu talagalay dadka lixaadkooda kala dhiman yahay isbitaal ku yaal
Lahore, Mr Khan wuxuu sheegay inuusan ka badbaadeen toogashada haddii labada
qof ee weerarka fuliyay ay "si darandoori ah u ridi lahaayeen
rasaasta" .
"Maadaama aan
dhacay, mid ka mid ah kuwii toogashada geystay ayaa u maleynayay inaan dhintay,
wuuna uu ka tagay goobta," ayuu yiri.
Ra'iisul wasaarihii
hore ee Pakistan, Imran Khan, ayaa ku eedeeyay madaxwaynaha imika xilka haya,
Shehbaz Sharif, inuu ku lug lahaa shirqool la doonayay in lagu dilo.
Wasiirka arrimaha
gudaha Rana Sanaullah iyo madaxa sirdoonka dalkaasi Faisal Named Naseera ayuu
sidoo kale Mr Khan sheegay inay maleegeen shirqool isaga lagu dilayo.
"Saddexdan waxay
go'aansadeen inay i dilaan," ayuu yiri Mr Khan.
Dowladda Pakistaan ayaa
beenisay eedeynta uu Mr Khan soo jeediyay.
Dhankooda sarakiil u
hadashay militariga Pakistan ayaa waxay beeniyeen eedeynta Mr Khan. Ra'iisul
wasaarihii hore ee Pakistan, Imran Khan, ayaa dhanka kale sheegay in
dibadbaxyada ay sii socon doonaan ilaa saddexdani masuul ay xilka ka dagaan.
Wuxuu ka dalbaday
Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka janaraal Qamar Javed Bawjoh in tallaabo laga
qaado 'dadka xun-xun' ee ciidanka ku jira.
Waxa uu sidoo kale ka
dalbaday madaxa cadaalada dalka Pakistan in uu xaqiijiyo cadaaladda dhacdadan.
Bishii hore, guddiga
doorashada Pakistan ayaa Mr Khan ka mamnuucay inuu qabto xafiis dowladeed,
taasoo uu ku tilmaamay ciyaaryahankii hore ee Cricket-ka mid siyaasadeed.
BBC