Madaxwayne Biixi Iyo Gobolka Hawd.

0
Friday November 04, 2022 - 18:37:13 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1571
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxwayne Biixi Iyo Gobolka Hawd.

    W/Q= khalid mohamed ali

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

W/Q= khalid mohamed ali



 

Madaxwayne muuse makasoo baxay ballan qaadkii uu u sameyay gobolka hawd?

11/10/2017 oo ku beegnayd habenkii madaxwayne biixi uugu dabaysay ollalahisii doorasho kuna sugnaa isla habenkaa gobolka hawd waxa uu bulshada gobolka hawd u ballan qaaday mashariico kalla duwan oo kalla ahaa kuwan.



1= Wadada isku xidha Hawd Iyo Hargeisa oo uu ballan qaday dhamaystirkeda hassa ahatee uuna ku darsan 1m.


2= Dhisitaanka Jaamacad uu yeesho gobolku iyada oo baahi wayn ay u qabeen dhalinyarada gobolku.


3= Dhistaanka xarumaha wasaradaha kalla duwan ee ka hawl galla gobolka, iyadoo ilaa imika aanu kuso kordhin hall dhisme wasaradeed.


Hadaba dhamaan balan qaadyadaa uu madaxwayne biixi balan qaaday may noqon kuwo xataa qaar kamidii fulleen.Taasoo bulshada gobolka hawd ku keentay niyad jab iyo wallaac aad u wayn.


MASHARICIHII FASHILMAY EEN LA ARAG XADHIG KA JARKOODA MOOYE DHAGAX DHIGOODA.

Hadaba shantaa sano ee madaxwayne biixi xilka hayay waxa miisaniyada qaranka la dajiyay 5 jeer. Gobolka hawd waxa lagu daray 2 jeer oo min labba mashruuc oo kaliya loogu daray.


1=2021 garoonka kubada cagta. Waxaana galay  musuq maasuq dawladuna kamay hadlin cidii gaysatay musuq maasuqaa ilaa hadana wuu taagan yahay.


2= 2021 baanka gobolka hawd. isna Waxa uu ku field groobay wajigii labaad ilaa hadana muu dhaafin dayr.


3= 2022 dhaam biyood. illa wakhtigan may bilaabin shirakadii qaadatay qadaras,kaasi kaas oo u sansaan eeg halkay mareen masharicihii  hore.


sidaasi waxay ka markhaati kacaysaa inaanu madaxwayne biixi wax mashaariica ka gaysan gobolka hawd shantaa sanno ee uu hayay jagada madaxwayni,nimo.


BAAHIYAHA ASAASIGAA IYO WAX KA QABADKA XUKUMADA BIIXI.

WAXBARASHADA= gobolka hawd waxa uu ka kooban yahay 4 dagmo waaxana ka dhexeeya 1 secondary kaas oo kuyaala baligubadle. ardayda ku kalla nool dagmooyinka kalle kamay helin xaqii wax barasho ee ay ku lahayeen xukumada.


Waxbarashada gobolku ma dhaafsana primary and secondary mana laha heer jamacadeed iyo school ka farsamada gacanta IWM.


BIYHA= wasarada biyuhu kuma laha gobolka department iyo shaqaale ka hawl galla gobolka.Dadka iyo xooluu  waxay ka cabaan baraago bulshadu ma garanayaan meel ay ugu hagagaan wasaradii ku shaqada lahayd biyaha madaama oo ayna xarun kulahayn gobolka.


CAFIMAADKA= afarta dagmo ee gobolku ka kooban yahay waxaan ambulance Lahayn laba dagmo kuwaas oo adeegsada gawaadhida shicibka laganana kireeyo halka labada dagmo ee leh ambulance ka ay shidalka ku shubtaan dadka bukaanka ahi.


Goobaha cafimaadka ee dagmoyinkaa lagama wada hello dhamaan service kii wasarada cafimaadku bixinaysay taas o keentay in bukaanka lays kusoo dhaafiyo hargeisa.


Dhawaan waxa la dhamays tiray MCH dagmada baligubadle taas oo ay iska kashadeen habblaha ururka samo wadde iyo dawlada hoose ee baligubadle .


iyana waxa dhawaan la sameeyay MCH magaalada gumar iyana waxa iska kaashaday dad waynaha iyo dawlada hoose ee baligubadle .


ilaa hada wasarada cafimaadku may keenin qallabkii iyo shaqalihii loogu adeegi lahaa bukaanka.


KAWAR QABKA GOBOLKA IYO MADAXWAYNE BIIXI.

Madaxwayne biixi wuxu Safaro kalla duwan kusoo maray dhamaan gobolada dallka isagoo qarkood 2 ilaa 3 jeer ku noqnoqday. gobolka hawd oo 60 km ujira casimada somaliland ee hargeisa walli ma tagin madaxwayne biixi gobolka hawd.


 Hadaba waxa is waydiin leh baligubadle mayna ahayn magaalo ama gobol ka tirsan somaliland hasa ahatee haday xaqedii ka helli waydo madaxwaynii qaranka iyo xukumadisii yay ka helaysaa xaqedii iyo wax qabadkedii.

Waxaan dhambaal kaygan kusu gunaanaday


Nin ku idhi sinaan mayno

Adna diid sarayntiisa

Sidka waad wadagtaane

Ma sagaashan baa tiisu


W/Q= khalid mohamed ali

G.hawd gobol xaqiisii la dulmay.

 

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...