Casharrada Laga Baran Karo Jabka Ciidanka Ruushka

0
Friday November 04, 2022 - 17:28:07 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1515
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Casharrada Laga Baran Karo Jabka Ciidanka Ruushka

    W/Q Rashiid Odowaa

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

W/Q Rashiid Odowaa



Muddo laba bilood gudahood ah ee ugu danbaysay ayaa waxa Ruushku lumiyay boqolaal taangi waxa loo tirinayaa hubka casriga ah ee lidka taangiga ah ee ay siiyeen Yukrayn reer Galbeedku gaar ahaan USA iyo UK waxa kaloo meesha ka muuqata qaabka Ruushku u dagaalamayo Inay tahay qaab liidata oo gabowday.ugu horrayn ruushku waxay dagaalka qaadeen xilli roobab ay da’een oo dhulku dhiiqo yahay taasina waxay caqabad ku noqotay socodka taangiyada iyo gawaadhida.

 

Haddaba sidee ayay lidka taangigu u wax yeello u gaadh-siiyay taangiyada iyo Ciidanka  Ruushka,waxa maraykanku ugu horrayn u soo rareen 2000 oo Qoriga javaline ah markii dagaalka Ruushku uu Yukrayn ku qaaday bishii feb 2022ka,ka dibna 2000 oo danbe ayay ku xoojiyeen waxa kaloo Ingriisku u direen 3,600 oo ah lidka -taangiga oo la yidhaaho (NLAW).waxa kaloo jirta inay reer galbeedku difaaca hawada mar kasta ka taageeraan Ukraine.

 

Haddaba haddaynu eegno qaabka loogu dagaallamo  javeline shiishkiisa oo sugan darteed waxa uu u dhacaa tiiro toosan ka dibna hoos ugu soo foorarsadaa sida Hoobiyaha oo kale ka dib taangiga ayuu  ka cuskadaa halka uu ugu jilicsanyahay  oo ah xagga sare ee daboolka  ka dibna uu halkaas ku baabi’iyo taangiga dhamaantii.waxa kaloo ka sii qayb qaatta ruushka oo rasaas badan ku rarta taangiga taasna ay sii caawiso gubashada iyo qaraxa.

 

Khaladka wayn ee ruushku sameeyay kolka hore waxay tahay kolonyo taangiyo ah oo aad u badan oo dariiq wada socota oo aan lahayn Ciidan Infantry ah oo difaac ugu filan oo weerar ku galay magaalooyin iyo dhul durugsan waxay taasi u sahashay ciidamada Ukrayn ee ku qalabaysan hubka lidka taangigu in ay si howl yar u baabi’iyaan, taasina waxay u horseedday guul darro wayn iyo daraasiin taangiyo  ah oo    hal meel ku wada gubta ama hal waddo.waxa halkaas batay dhimashada ,dhaawaca iyo maxaabiista askarta Ruushanka.

 

Marka taangiga oo ruushku u yaqaanno boqorka dagaalka laga yimaaddo, qoriga labaad  ee soo raacaa ee ruushanku aaminsanyihiin waa PM ama 40 dhuumood ha ahaado ama haba ka badnaado gantaalaha ka dhaca PM waxa loo ridaa si qiyaas uun ah oo halka la rabo ama yoolka inuu ku dhaco iyo inuu baal maro labadaba leh.balse u badan in lala waayo sidaas darteed waxay ku qaadataa marka meel bar tilmaameed la duqaynayo in la is bar bar geliyo baabuur badan oo ay mar wada ridaan markaa halkii yool ee la doonayo in la beegsado waxay ku qaadanaysaa in kumanan gantaal lagu rido.

 

Dhinaca kale Waxa dhawaan 1996kii maraykanku soo saaray qori u dhigma PM oo la yidhaahdo HIMARs kaas oo markiiba Ukraine soo gaadhay waxa uu gudbaa masaafo dhan 60km  waxay isku qaab egyihiin PM ka hase yeeshee Himars waxa haga Sattelite sidaas darteed halka gantaal ee ka dhacaa waxa uu si toosa ugu dhacayaa halka loogu talo galay taasina waxay baabi’isay difaacii ruushka intiisii badnayd.waxa kaloo ay baabi’isay meelihii iyo goobihii hubka iyo rasaasta ay dhigteen tani waxay wax yeeshay habkii taakulaynta ee ruushku inuu kala go’o.waxa kaloo dhaca in dhulkii ruushku uu galay in dib looga soo riixo.

 

Waxa loo badinayaa inuu xisaabo khalad ah isu gaystay Madaxweyne Vladimir putin oo warar ama sahan aan sugnayn ka qaattay sirdoonka ruushka taasina ay kaliftay in Ciidamadu ruushku masaafo aad u dheer iyo Magaalooyin ay sii dhex socdaan iyagoon hubin waxa meesha kaga soo bixi doono waxa dhacday in Yukrayniyiintu kala hor yimaadeen markii hore ee dagaalku bilaabmay boodhadh ay ku qoran yihiin ku soo dhowaada Cadaabta "welcome big hell”taasna ay markii danbe u ekaatay dhab.

 

Marka la eego qaabka ay u dhaqmayaan Ciidamada Ruushku waxay u egatahay qaab aanay soo dhoweynanyn dadka reer yukrayn xattaa haddii ay yihiin kuwo dhalasho ahaan ka soo jeeda Ruushanka sida Gobollada Donbaska (Luhanski iyo Donetski) ama Kherson iyo zaporishishia waxay kula dhaqmeen qaab cadawnimo dil iyo kufsi iyo duqaynta oo aan loo kala aabo yeelin waxa lagu qiyaasay in 5000 oo qof oo shicib ah siyaabo kala duwan ciidanka Ruushku u dileen taasina shacabkii ayay ka fogaysay.waxa kaloo jirta inay Duqaynta la beegsadaan inta badan goobo shicibku degganyahay.

 

Waxa kaloo iyadana jirta in dhinac kasta Maraykan iyo Reer galbeed ka caawiyaan dhinaca Cirka iyo difaaca gantaalaha hadday tahay xagga dhaqaalaha oo isla maataba hubka ugu casrisan ee difaaca hawada loo rarayo Yukrayn. 

Isku soo wada duub oo aakhirkii ugu danbeeyay hadda waxay maraysaa in Putin uu cadhada kula dhaco inuu ku hanjabo inuu hubka halista ah ridayo,John bidenka maraykanka ayaa isauguna ku hanjabay inuu qiyaamuhu dhici doono haddii Ruushku isku dayo inuu rido hubka halista ah waa Nuclearka e.

 

Dhinaca kale waxa loo badinayaa inuu inqilaab ay ciidanku hoggaaminayan xukunka lagaga tuuri doono Putin maadama isagu horseeday guul darrada soo wajahday Ciidanka Ruushka waxa la soo dheegayaa inay amar diido samaynayaan Ciidanka jiidaha hore ku sugan ee Ruushanku ka dib markii guul darrooyinkoodu bateen bal waynu eegi doonnaa wixii ka soo kordha.

 

Ref .ECOR

Denys devedenko

 

Rashiid Odowaa

[email protected]

O63-4101213


AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...