Reer Boorame Waa Dad Dulqaad Badan.

0
Friday November 04, 2022 - 17:18:10 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1128
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Reer Boorame Waa Dad Dulqaad Badan.

    W/Q: Bashiir Tarabbi Oogle,

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

W/Q: Bashiir Tarabbi Oogle,


 


 

Reer Boorame waa dad dulqaad badan, is xushmeeya oo kala dambeeya, waxay ilaaliyaan dhirta, waana dad xaq dhowra xayawaanada ku nool magaalada. Waxaynu ka baran karnaa sida dhalintu u maqasho Odayada, sida hay'adaha amniga iyo dowladda loola shaqeeyo, waa dad ixtiraama wixii dirays ciidan gashan.

 

Masaajiddadu isku wakhti bay addimaan, waxayna u kala cod dheeryihiin sida ay u kala waaweyn yihiin, Eedaanka waxay ku dhameeyaan in ka yar 5-daqiiqadood. Waxaa iyaguna habeen badhka addima Eyda Boorame oo dadka in yar ka yar, cid dhibsanaysana indhahaagu qaban maayaan.

 

Arki maysid tig ( Rickshow ) ay ku xidhan yihiin laydhadh sharci darro ah iyo music qaylo dheer oo habeenkii ama maalintii la dhibsado sida gobolada kale yihiin, waxayna ku timi iskaashiga ciidamada amniga iyo dadweynaha reer Boorama.

 

Waxaynu ka baran karnaa sida loo xakameeyo Gaadiidka qaada qaadka ee markuu magaalada dhexmarayo guuxa iyo hoonka isugu keen dara, sidii uu sido wadne loogu deeqay qof xanuunsanaya ama uu soo xaday in yar oo midhaha jannada ka mid ah.

 

Iyana ka baro haddiiba aadan lacag badan haysan oo aad iska degto hoteelada h/dhexe ee Boorama, marka aad qolka maydhashada ugu timaado laba kabood oo kala midab ah,

Macnaheeda u fahan in ay tahay foojignaan in aan qofna isku ilaawin kabahaa kala duwan oo aanu hoos ula dhaadhicin.

 

Ugu dambayn ka baro in aanay xiiso u hayn in ay ku haybsadaan ama gobolka aad ka timi ku weydiiyaan, waa gob ka faa'idey ilbaxnimada safarrada uga yimaadda Iitoobiya iyo Jabbuuti oo isu socodkoodu badan yahay. Sidaas oo kale ka baro in aad isku beegto dakhligaaga iyo kharashkaaga si aan baahidaadu u muuqan.

 

Bashiir Tarabbi Oogle,

Hargeysa, Soomaalilaan.


AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...