Inantii Dhawaan Isdili Gaadhay Ee Huda Xuseen Oo Ka Cudurdaaratay Shaqooyin Loo Soo Bandhigay

0
Friday November 04, 2022 - 08:57:59 in News by Abdi Good
  • Visits: 2358
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Inantii Dhawaan Isdili Gaadhay Ee Huda Xuseen Oo Ka Cudurdaaratay Shaqooyin Loo Soo Bandhigay

    Inantii Dhawaan Isdili Gaadhay Ee Huda Xuseen Oo Ka Cudurdaaratay Shaqooyin Loo Soo Bandhigay

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Inantii Dhawaan Isdili Gaadhay Ee Huda Xuseen Oo Ka Cudurdaaratay Shaqooyin Loo Soo Bandhigay
May be an image of 1 person, standing, headscarf and outdoors



Huda Xuseen oo ahayd Inantii dhawaan isdili gaadhay ayaa ka cudurdaaratay shaqooyin badan oo loo soo bandhigay.

qoraal ay soo saartay Huda Xuseen ayey ku tidhi:-

"Asc, dhammaan cid kasta oo ka damqatay, oo ka dhiidhidey arrinkaygii waxa aan u sheegaya in arrinkii ay la wareegeen Ayeeydey iyo Eddooyinkay, Aad iyo aad ayaad u mahadsan tihiddin, cid waliba oo ka shaqeeysey ii damqatay ii hawl gashay iina muujisey hiil iyo hooba halkiina ayaad ku mahadsan tihidiin, ballanqaadyadii iyo shaqadii laygu ballan qaadayna iyagana waad ku mahadsan tihidiin, balse qayskayga ayaan gacantooda dib ugu noqday, waxa ay iyagu ii go'aamiyaan ayaan falaya oo aan ku tallaabsanaya. Masuuliyadaayadiina Ayeeyday iyo Eddooyinkay ayaa la wareegay, awalba iyaga na soo koriyey oo gacanta nagu hayay Ayeeyo iyo Eddooyinkay, isfahan waa dhexdaayada soo galay kadib, iyaga haddana dib u qaatay kaalintoodii.

Hooyadayna way xannuunsanaysa oo waa run, balse xannuunkeedu maaha mid culus waa mid lala tacaali karo, caafimad ayaana u rejaynaya wayna ii caafimaadi haddii allaha awooda lihi qaddaro isagana ayaana taas waydiinsanaya. Waxa aan arkaayay dad leh hiddo ayay u leeyihiin oo waa hereditary, taas waxba kama jiraan, qofkuna wuu xannuunsan karaa ceebna maaha, balse xannuunkeedu waa wax dhawrkii sanno ee u dambeeyey uun ku soo booday oo hayay.

Aad ayaad u mahadsan tihidiin asxaabta halkan iigu jirta ee sida walaalnimada iyo bili'aadannimadaba leh iigu kacday. Dhammaantiin mahadsanidiin.

Loading...
Loading...