Adna Aadan Ismaaciil Oo Ka Hadashay Mashruuca Biyo-gelinta Caasimadda Hargeisa

0
Thursday November 03, 2022 - 11:35:42 in News by A. Asbaro
  • Visits: 1311
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 0
  • Share via Social Media

    Adna Aadan Ismaaciil Oo Ka Hadashay Mashruuca Biyo-gelinta Caasimadda Hargeisa

    Adna Aadan Ismaaciil Oo Ka Hadashay Mashruuca Biyo-gelinta Caasimadda Hargeisa

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Adna Aadan Ismaaciil Oo Ka Hadashay Mashruuca Biyo-gelinta Caasimadda Hargeisa
Hargeisa(HWN):-Guddoomiyaha guddida biyo gelinta Hargeisa Marwo Adna Aadan Ismaaciil iyo Xubno wefti ah oo ay hoggaaminayso, isla markaanna uu ka mid yahay Ugaaska guud ee beelaha Arab-weyne ayaa booqasho ku tagay Xarunta biyo gelinta Caasimadda Hargeisa.
Edna Adan oo Loo Doortay Madaxweynaha Urur Caalami Ah – HargeisaPress


Adna Aadan Ismaaciil oo ah ergayga gaar ah ee Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi u qaabilsan Wada-hadallada Somaliland iyo Soomaaliya ayaa ka hadashay rajadda laga qabo in Caasimadda Hargeisa loo helo Biyo ku fillan oo wada gaadha dhammaan-ba shacabka gobolka Morooddijeex.

Magacaygu waa Adna Aadan Ismaaciil waxaan idin kala hadlayaa xaruntii Biyaha ee Geed-deeble oo aannu haddaar Booqasho ku nimid annagoo Wefti balaadhan oo qiimmo badan ah, waxaannu indhahayaga ku soo aragnay u diyaar-garowgii Biyihii Hargeisa ee inta badan la suggaayay.

Waxaan ku hadlayaa Afkayga Ina Aadan Ismaaciil iyo afka guddoomiyaha guddiga Biyo gelinta magaaladda Hargeisa, waxaan ku faannayaa oo aan Illaahay ugu mahad-naqayaa in nidaamkaas iyo Nabadgelyaddaas uu Illaahay innoo suuro-geliyay in qalab qiimmo sarre leh oo tayo sarre leh.

Hawshan maal badan ayaynu gelinay, waxaanan ku faraxsannahay in dadka maamulayaa ay yihiin Dhalinyarro somaliland u dhalatay oo wax ku bartay, waxaan leeyahay waa wax u baahan in la ilaashaddo, waxaan ammaanayaa Shaqaalihii, Maarreeyihii iyo Maamulladii kala danbeeyay ee Wakaallada Biyaha Hargeisa ee maantanna suuro-geliyay in Hargeisa ay hesho Biyo fillan" Ayay tidhi Marwo Adna Aadan Ismaaciil

Loading...
Loading...