Agaasimaha Warfaafinta Somaliland oo ka hadlay kulan uu la yeeshay masuuliyiin ka socday Ingiriiska
Hargaysa(HWN):-Agaasimaha
Guud ee Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyigalinta Jamhuuriyadda
Somaliland Md. Mukhtaar Maxamed Cali, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay wefti
ka socday wasaaradda Arrimaha Dibada dalka Ingiriiska.
Kulankan uu
Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafintula yeeshay Weftiga ka socday wasaaradda Arrimaha Dibadda dalka Igiriiska
iyo saraakiil ka socday safaaradaha Ingiriiska u fadhiya dalalka Itoobiya iyo
Kenya, waxa ku wehelinayey Agaasime
waaxeedyada Qorshaynta iyo Isgaadhsiinta
ee Wasaaradda Warfaafinta.
Agaasimaha Guud ee
Wasaaradda Warfaafinta Md. Mukhtaar Maxamed Cali, ayaa kulankaas kadib sheegay inay ka wada hadleen dardar galinta
iyo sii xoojinta xidhiidhka ka dhexeeya labada dal, waxaanu tilmaamay inay si
gaar ah ugala hadleen wada shaqeynta ka
dhexaysa Wasaaradda Warfaafinta, dhaqanka iyo wacyigalinta JSL iyo xafiiska
Arrimaha Dibadda Ingiriiska.
Agaasimaha Guud ee Wasaradda Warfaafinta Mukhtaar Maxamed Cali, waxa uu u mahad celiyey dawladda Ingiriiska oo uu sheegay inay gacan ka geysatay diyaarinta qabyo qoraalka xeerka Saxaafadda Somaliland isla markaana ay taageero farsamo iyo tabobaro kala duwan ay siisay Waaxda isgaadhsiinta iyo xidhiidhka ee Qaranka.
Abdiqani A. Ahmed (Asporo)
Email: [email protected]
Hadhwanaagnews,Office
Hargeisa,Somaliland