Somaliya Oo Joojisay Warqadda Cadeynta Baadhitaanada COVID-19 Ee Dadka Socdaalka Ah
Muqdisho (HWN) Wasaaradda
Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada JFS iyada oo ka amba qaadaysa hoos u dhaca
xoogga ah ee ku yimid Caabuqa COVID-19 islamarkaana ku xisaabtamaysa
mashaariicda baahinta talaalka caabuqa COVID-19, waxay idinla wadaagaysaa wax
ka badel lagu sameeynayo habraaca ka hortagga iyo xakameynta Caabuqa COVID-19:
1. Dhammaan dada ka
safraya Soomaaliya loogama baahna Warqadda Caddeynta Baaritaan ee Caabuqa
COVID-19 (PCR iyo Rapid).
2. Dhammaan dadka usoo
safraya Soomaaliya loogama baahna in ay la yimaadaan Warqadda Cadeynta
Baaritaanka Caabuqa COVID-19 (PCR iyo Rapid).
3. Dadka ka dhoofaya
Soomaaliya waxaa looga baahan yahay in ay iska hubiyaan una hoggaansamaan
sharuudaha iyo habraacyada Wadamada ay u socdaan ee la xariira COVID19.
Wasaaradda Caafimaaka
iyo Daryeelka Bulshada JFS waxay ku dhiiri galinaysaa muwaadaniinta in ay
joogteeyaan tallaabooyinka ka hortagga halista Caabuqa COVID-19. Waxay sidoo
kale ku dhiiri galinaysaa muwaadaniinta in ay qaataan Talaalka COVID-19 kana
ilaaliyaan naftooda iyo kan ehealadooda khatarta Caabuqa.
Mahadsanidiin
Wada Shaqeyn Wacan


0 





