"Muuse Biixi Maaha Hogaamiye Maskax Badan Oo Lacag Ku Bixin Kara Danaha Qaranka"..Faysal Cali Waraabe
Gudoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee Ucid Eng Faysal Cali Waraabe ayaa ka jawaabay warar somaliland ku xidhiidhiyey inay lacag laaluush ah siisay xildhibaano ka tirsan baarlamaanada Ingiriiska iyo Maraykanka si ay ugu doodaan qadiyada Somaliland.
Gudoomiye Faysal ayaa qoraal uu ku baahiyey bartiisa Twitter-ka waxa uu ku sheegay inaanu Muuse Biixi lahayn siyaasad gundheer oo uu ugu talagalay inuu lacag ku bixiyo qadiyada Somaliland balse ay arintani ay tahay dacaayad ay soomaaliya la beegsanayso xildhibaano maraykan iyo Ingiriis ah oo taageersan qadiyada Somaliland.
Gudoomiye Faysal ayaa qoraalkiisa ku yidh "Muuse Biixi maaha hogaamiye xariif ah oo maskax badan oo ciyaari kara siyaasadan casriga ah taas oo ku awooda inuu lacag ku bixiyo arimaha qaranka, balse xubno ka soo jeeda dawlada fashilantay ee soomaaliya ayaa arimahan been abuurka ah ka sameeyey baarlamaanka UK iyo congress-ka maraykanka, kuwaas oo gudanaya waajibaadka qaranka ee dalkooda Soomaaliya.”



0 





