Xisbiga Waddani Oo Ka Hadlay Fadeexad Dulhoganaysa Wasiir Ku Xigeenka Caafimaadka SLAND

0
Wednesday November 02, 2022 - 13:58:19 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 1158
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xisbiga Waddani Oo Ka Hadlay Fadeexad Dulhoganaysa Wasiir Ku Xigeenka Caafimaadka SLAND

    "karti darada iyo maamul xumada dul hoganaysa Wasaaradda Caafimaadka"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"karti darada iyo maamul xumada dul hoganaysa Wasaaradda Caafimaadka"



Hargaysa (HWN) Xoghayaha Caddaaladda xisbiga Waddani Yoonis Ahmed Yoonis ayaa sheegay in wasaarada caafimaadka Somaliland ay dulhoganayaan dhaliilo badan oo ku saabsan xaga maamulka.

 

Xoghayaha oo baahiyay qoraal uu kaga hadlayo baahiyaha ka jira dhakhtarka way nee Hargaysa ayaa sheegay in wasiir ku xigeenka Wasarada caafimaaku uu xafiiskiisa ku qalabeeyay lacag gaadhaysa todoba kun oo doolar, xili shacabkii Somaliland ay ku habsatay xanuun xumad daran leh, kaasi oo ay gudbiso kaneecadu, qoraalka xoghayaha ayaa uqornaa sidan:-

 

"Halkii Maro kaneecooyin loogu iibin lahaa dadka danyarta ah, ayuu Xafiiskiisii ku qurxiyey lacagtii baahiyaha caafimaadka ee Dhakharka Guud wax loogu qaban lahaa

 

Fadeexada, karti darada iyo maamul xumada dul hoganaysa Wasaaradda Caafimaadka waata muuqata ee bannaanka keentay in ay dadkii reer Somaliland u dhimanayaa daryeel la’aan iyo masuuliyad darrada masuuliyiinta Wasaaradda kow ka yihiin, iyada oo dalka xumad ba’n ka jirto, dadkii xanuunsanayey bannaanada Cusbitaalka guud ee Dawladda ee Hargeysa wadax yihiin, illaa maantana aanay jirin qorshe iyo waxqabad ay la timid Wasaaradda Caafimaadku.

 

Marka la yimaado malaayiinta Dollar ee lagu dhex ururiyey Cusbitaalka guud ee Hargeysa ee aan waxba lagaga qaban baahiyaha Dhakhtarkaasi iyo dadka bukaanka ah ee halkaas ku jira, arrinta la yaabka ah ee fadeexada qaran ahi waa in Xafiiska Wasiir kuxigeenka Caafimaadka Hanti dhawrku sheego in lagu qalabeeyey 7 kun oo dollarka Mareykanka ah, taas oo haddii dadka danyarta ah ee Cisbitaalka ku jira loo siin lahaa Maro kaneecooyin wax badan u tari lahayd dadkaasi.

 

Tani waxay muujinaysaa in damiirka Madaxda Wasaaraddaasi aad u hooseeyo oo iyada oo  hooyooyinkii iyo curruurtii banaanka Cusbitaalka yaalaan ay lacag ku bixinayaan qurxinta Xafiisyadooda, halkii loogu dhisi lahaa ugu yaraan goobo dadkaas hadhsadaan dhaxanta ka galaan.” Ayuu yidhi Xoghayaha Caddaaladda xisbiga Waddani yoonis Ahmed yoon


Loading...
Loading...