103 Jirkii Qalbigiisa Ii Furay. Dhacdo akhris mudan

0
Wednesday November 02, 2022 - 09:04:44 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 971
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 0
  • Share via Social Media

    103 Jirkii Qalbigiisa Ii Furay. Dhacdo akhris mudan

    Qore:- Xamse Cumar Ku-jog

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Qore:- Xamse Cumar Ku-jog



 

"Waxa aan soo galay Masaajidka maalintii Jimce ee lasoo dhaafay, sida ii caadada ahna goor hore ayaan iska sii galaa Jimcaha masaajidka, kolkii aan sunnaystay ayaan soo qaatay kursi aan ku fadhiisto oo aan Qur’aan ku akhristo, muddo haddii aan fadhiyayna waxa soo galay masaajidkii oday wejigiisa ay ka muuqato da’ aad u wayn haddana xooggiisa aad yaabto oo aad mooddo kuray xoogle.

 

Meel ii dhow ayuu istaagay si uu u tukado sunne, waxaan ku idhi "Adeer kursiga aan ku siiyo” waxa uu iigu jawaabay "Mahadsanid adeer, dhabarkaygu waa bedla’ oo kursi kuma tukado” salaaddiisii ayaanu iska galay, waxa aan isha ku hayay intii uu tukanayay, wiil kasta oo xoog wayn oo dhallinyaro ah sida uu odaygaasi u tukanayo uma tukan karo, waxa aan aad uga fekerayay in aniga oo aan 60 jir gaadhin aan durba dhabarka ka cabanayo, waxana aan jeclaystay inaan sirtiisa ogaado oo aan la sheekaysto, kolkii uu sunnihii ka baxay waxa na dhexmartay sheekadan:

 

Aniga: Adeer immisa jir ayaad tahay?

Isaga: 103 sano ayaan jiraa adeer.

Aniga: Dhabarkaaga waan arkaa oo waa fay’e dhegaha iyo indhaha ka warran?

Isaga: Dhegahaygu waa dhag oo habeen ismay dhimin, indhahaygana quruuruxa ayaan ku gurayaa.

Aniga: Adeer miyaanad xaas lahayn?

Isaga: Adeer laba xaas ayaan leeyahay, ooridayda wayn oo aannu isleegnahay oo hadda gabawday iyo gabadh yar oo hadda ila joogta, 16 ubad ahna Ilaahay wuu i siiyay?

Aniga: Cunto maxaad cuntaa?

 

Isaga: Adeer cuntadaydu waa cad iyo caano, haddii laga tegi waayo garaw ayaa iisoo raaca mana aqaanno cuntadan dadka ee bariiska iyo baastada ah.

Aniga: Adduunka oo dhan ayaa iska dhibaato ahe maxay ahayd dhibaatadii ugu badnayd ee kusoo martay?

 

Isaga: Waa run oo adduun dhib lagama waayee waxa isoo martay in gaadhi i jiidhay oo jidhka oo dhan i burburiyay, muddana aan dhulyaal ahaa, Ilaahay mahaddii se waan ka kacay. Muddadaas aan jiifay waxaan odhan jiray "Nasiib badanaa nin kici kara oo masaajidka Ilaahay inta uu u lugeeyo soo tukan karaa”, muddo kaddib masjidka ayaa la i gayn jiray oo kursi ayaan ku tukan jiray, haddana waxaan odhan jiray "Nasiib badanaa nin Ilaahay caafimaad siiyay oo sarajoog ku tukan karaa”. Ilaahay labadiiba waa ii rumeeyay oo intii kaddib masjidkana waan u lugeeyaa, sarajoogna waan ku tukadaa.

 

Aniga: Maxaad noloshaada ka murugootaa in aanad qaban ama aad isleedahay way ku dhaafeen?

Isaga: In yaraantaydii aanan Qur’aanka baran ayaa murugo badan igu haysa adeer, qofka Qur’aanka yaqaannaa dhaxalkii Nebiga scw ayuu qayb wayn ka helay, dhaxalkaas ayaan aniguna ka qatanahay, qof kasta oo aan arko isagoo Qur’aan akhriyaya waan u duceeyaa.

 

Aniga: Maxaad noloshaada ku faraxsan tahay cimrigaa aad jirto?

Isaga: Waxaan ku faraxsanahay inaan dhaqan wanaagsan ku koray oo aanan weligay cid dulmi u geysan, ummadda Ilaahayna iga nabad gashay, abaalkeediina waan helay oo Ilaahay dadka ayuu ii barakeeyay, 16 ka aan dhalayna samafalkayga ayay u kala dheereeyaan oo ha dhicin ha jabin ayay i leeyihiin goor iyo ayaan, gaadhi iyo dareewal ayaa haddadaa albaabka ii taagan oo inaan masaajidka usoo lugeeyo xataa way diideen.

 

Aniga: Maxaad nolosha ugu jeceshahay?

Isaga: Inaan dhawr neef oo geel ah meel cidla ah oo barwaaqo iskaga haysto, buuqa magaalada iyo rafaadkeedana aan iskaga durko, se waanay dhacayn oo ubadkaygii ayaan iga yeelayn, kolkaan miyiga tagana iyaga uunbaa dib iiga soo kaxeeya.

 

Runtii odaygaas waan jeclaa inaan saacado iyo maalmo la fadhiyo oo aan dhegaysto, waxa afkiisa ka burqanayay xikmad iyo murti aan xad lahayn, se salaaddii ayaa loo eedaamay oo Imaamkii Jimcaha ayaa khudbad u holladay, hadalkiina wuu naga xidhmay.

 

Qaybaha kala duwan ee odaygaas da’da ah aan wax ka waydiiyay qaybtee adiga si gaar ah kuu taabatay akhriste?

FG: dhacdadani waa mid xaqiiqo ah, waxa ay dhexmartay Aabbahay Sh. Mustafe C Cumar Kujoog iyo oday da’ ah oo ay jimcihii masaajidka ku kulmeen, kolkii uu iiga sheekeeyay ayaanan qoraalkan u beddelay.

 

Intiina qoraalka dhammaysatay mahad badan ayaan idiin madhxinayaa, wuu yar dheeraa, sidii caadada ii ahayd soo koob ayaan islahaa, intaas ayaanay noqotay awooddaydii

Qore:- Xamse Cumar Ku-jog


AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...