Xukuumada Muuse Oo Shaacisay Cadadka Lacagta Ay Ugu Tala Gashay Doorashada.

0
Wednesday November 02, 2022 - 08:42:08 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 1151
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 0
  • Share via Social Media

    Xukuumada Muuse Oo Shaacisay Cadadka Lacagta Ay Ugu Tala Gashay Doorashada.

    "Sannad misaaniyadeedka 2023-ka waxa mudnaanta la siiyay amniga, doorashooyinka"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Sannad misaaniyadeedka 2023-ka waxa mudnaanta la siiyay amniga, doorashooyinka"

 



Hargeysa (HWN):-Xukuumadda Somaliland,ayaa daboolka ka qaaday qadarka lacageed ee ay uqoondaysay doorashooyinka ee ku jira miisaaniyadda qaranka.

 

Wasiirka wasaaradda horumarinta maaliyadda Somaliland Dr. Sacad Shire ayaa shaaca ka qaaday qadarka lacageed ee miisaaniyadda ugu jirta doorashooyinka, waxaanu xusay   in isugeyn  lacagta loo qoondeeyay doorashooyinka soo socda ee 2023 ay dhan yihiin 15 milyen,  waxaanu intaas raaciyay in saaxiibadii markii horeba doorashooyinka Somaliland ka caawin jiray haddana ka caawiyaan.

 

Waxaanu yidhi."Mudnaanta aynu siinay meelaha kharashku ku baxo, waxay ku salaysan tahay siyaasadda xukuumadda iyo xaaladaha ka taagan waddanka.

 

Sannad misaaniyadeedka 2023-ka waxa mudnaanta la siiyay amniga, doorashooyinka, biyaha, degaanka, wax-soo-saarka, citiraafka iyo waxbarashada.

 

Mudanayaal waxa doorashooyinka sannadkan aynu ku jirno ee 2022 ugu jira miisaaniyada 5 milyen, miisaaniyada sannadka soo socda ee 2023-kana waxa loo galiyay 10 mileyn, isugeyn waxa loo qoondeeyay doorashooyinka soo socda ee 2023-ka lacag dhan 15 milyen, inkasta oo ay innagu adag tahay, lacagta aynu u qoondaynay doorashooyinka innaguma fila, waxa aynu rajjeynayna saaxiibadii awalba innaga caawin jiray doorashooyinku inay tana inaga caawiyaan”


Loading...
Loading...