Muxuu Yahay Kulanka Kenya Iyo Somaliland Ku Dhexmaray Hargaysa?

0
Wednesday November 02, 2022 - 08:39:53 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 2217
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 0
  • Share via Social Media

    Muxuu Yahay Kulanka Kenya Iyo Somaliland Ku Dhexmaray Hargaysa?

    "Kulanka labada dhinac yeesheen ayaa la xidhiidhay sidii sare loogu qaadi lahaa..."

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Kulanka labada dhinac yeesheen ayaa la xidhiidhay sidii sare loogu qaadi lahaa..."


Hargeysa-(HWN):- Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Dalxiiska Mudane. Maxamuud Xassan Sacad "Saajin” oo uu wehelinayo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda . Cabdirashiid Ibraahim ayaa shalay kulan la yeeshay Amb. Benson Mwaliko, oo ah Wakiilka Kenya ee Jamhuuriyadda Somaliland

 

Kulanka labada dhinac yeesheen ayaa la xidhiidhay sidii sare loogu qaadi lahaa ganacsiga iyo maalgashiga iyo sidii meesha looga saari lahaa caqabadaha ganacsi ee u dhexeeya labada waddan.

 

Xukuumadda ayaa qorsheynaysa sidii ay qeyb uga noqon lahayd heshiiska Aagga Ganacsiga Xorta ah ee Qaaradda Afrika (AfCFTA) oo ujeedadiisu tahay in la horumariyo ganacsiga Afrika dhexdooda.

 

Kulanka labada dhinac ayaa qeyb ka ah sidii loo dhaqangelin lahaa heshiiskii is-afgaradka Madaxweynaha Somaliland Mudane. Muuse Biixi Cabdi iyo Madaxweynahii hore ee Kenya Uhuru Kenyata ku kala saxeexdeen sannadkii 2020 magaalada Nayroobi.

 

 


Loading...
Loading...