Xasan Sheekh Oo Ka Qaybgalay Furitaanka Shir-Madaxeedka Jaamacadda Carabta
Aljeris: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka
Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka qaybgalay furitaanka meertada
31-aad ee Shir-madaxeedka Ururka Jaamacadda Carabta oo ka furmay magaalada
Aljeris ee dalka Aljeeriya.
Madaxweynaha
Jamhuuriyadda ayaa shirkan ka jeedin
doona khudbad uu kaga hadlayo dhibaatooyinka arggagixisadu ay ku hayso nabadda,
horumarka iyo dowladnimada Soomaaliya iyo sidoo kale guulaha dawladda iyo
shacabka oo wadajira ay ka xaqiijiyeen dagaalka dalka looga ciribtirayo
khawaarijta.
Madaxweynaha ayaa inta
uu ku sugan yahay Aljeeriya waxa uu kulan doceedyo la yeelan doona Madaxda
dalalka Carabta, hoggaanka hay’adaha iyo ururrada caalamiga ah ee ka soo
qeybgalay meertadan.
Madaxweynaha waxaa ku
wehelinaya shirkan, Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga
Caalamiga Mudane Abshir Cumar Huruuse, Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Dr. Cilmi
Maxamed Nuur, Safiirka Soomaaliya ee dalka Masar ahna Wakiilka Soomaaliya ee
Ururka Jaamacadda Carabta Danjire Ilyaas Shiikh Cumar Abuubakar iyo Safiirka
Soomaaliya ee dalka Aljeeriya mudane Danjire C/wahaab Macallim Maxamed.
DHAMMAAD


0 





