Digasho Ma aha ee Waa Dan u Sheeg iyo Guubaabo Derisnimo
Waa Aftahan hadal cun
ah. Waa dhaqan yaqaan ku dhashay aqal ay tallo taalo, kana dheregsan
insaaniyadda iyo qiyamka suuban.
Waa siyaasi gaadiiday
oo leh khibrad afartan sanno ku dhow. Hadalkana kuma sariigto, waanu
xanaf-tiraa ilaa xad oo wuxuu ka duullaa xikmadda ah: "LAFTA JABI XARAGANA
HA KA TAGIN."
Wasiirka Warfaafinta
ahna Afhayeenka Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland, Saleebaan Yuusuf Cali
Koore, jawaabtii uu ka bixiyey shalay baaqii Guddida Amniga Qaranka ee Soomaaliya, waxay ahayd mid u dan sheeg
ah, mana ahayn digasho, sida dadka qaarkii ay uga bixiyeen fasiraada taban.
Waxay ahayd farriin uu
ugu gudbinayey sida JSL jiidhku uga diiray Meydka dadka rayidka ah ee Qaraxyadu
Solleen waaxyaha jidhkooda.
Doodiisuna waxay ku
arooraysay dareen walaalnimo oo uu ku haaraamay madaxda Soomaaliya, sida aanay masuuliyaddii loo baahnaa iskaga saarin inay
dadkooda kala dabaashaan dhibka iyo safariirka laasimay.
Wasiir Koore wuxuu
taabsiiyey Maamuleyaasha Soomaaliya, dayaca iyo debaca ka muuqda nabad ka
aslaaxinta Soomaaliya iyo sida aanay ugu hagar bixin Ummadda ay madaxda u yihiin.
Waxa kaloo, Afhayeenka
Xukuumadda JSL uu ku dhaliilay Soomaaliya sababta dawladnimada ay ku baanayaan
u horseedi weyday in shacbigoodu ka baxaan tawsta iyo hubanti la'aanta ay keentay dawlad la'aantu.
Wasiir Koore wuxuu
xusuustay Maahmaahdii ahayd; "Tiisaba Daryeelaa Tu kale ku dara,"
waana ta uu isku barbar dhigay
Qarannimada raasamaalka ah Somaliland iyo dawladnimada ribatay ee Muqdisho.
Waxaanu ku guubaabiyey inay hantaan beylahdooda, oo ay u birmadaan dhiiga shacbiga ee ququlaya shaaricyada
Muqdisho.
Wasiirku wuxuu u
caddeeyey Maamulka Muqdisho in madaxda Somaliland ku yimaadaan doorasho qof iyo cod ah,isla markaana wixii
lagu kala aragti duwan yahay lagu furdaamiyo xal ku dhisan jid aanay saameyn ku yeellan karin awoodo shisheeye oo
cidhibteeda ay ka naas-naasiyeen
Soomaaliya.
Haddaba, waxa la yaab
leh fadhi ku dirirka fasiraada khaldan baraha bulshada kaga bixiyey Hadalkii
saafnaa ee Wasiir Saleebaan Yuusuf Cali Koore, oo dadka qaarkii ay u qaateen
inuu ku diganayo dadkii ku dhintay Qaraxyadii toddobaadkii hore ka dhacay
Muqdisho. Taasina waa mid aanay waxba ka jirin oo ihaano iyo qadaf ku ah
insaaniyada. Mana ah wax ka suuro gala Wasiirka iyo Xukuumaddaba.
Waxaan Ilaahay uga
baryaynaa Soomaaliya, inuu daadkooda u mooso, hase ahaatee ay yaqiinsadaan in
aanay wax fursad ahi uga bannaanayn Somaliland oo ay dawlad ahaan u kala dhaqaajiyeen 1991kii.
W/Q: Cumar Maxamed
Faarax
AFEEF:
Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!


0 





