Nuxurka Kulan Uu Muuse Biixi La Yeeshay Safiirka Ingiriiska Iyo Ku Simaha Safiirka Maraykanka

0
Tuesday November 01, 2022 - 21:21:00 in News by Abdi Good
  • Visits: 2230
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 0
  • Share via Social Media

    Nuxurka Kulan Uu Muuse Biixi La Yeeshay Safiirka Ingiriiska Iyo Ku Simaha Safiirka Maraykanka

    Nuxurka Kulan Uu Muuse Biixi La Yeeshay Safiirka Ingiriiska Iyo Ku Simaha Safiirka Maraykanka

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Nuxurka Kulan Uu Muuse Biixi La Yeeshay Safiirka Ingiriiska Iyo Ku Simaha Safiirka Maraykanka


Muuse Biixi  oo uu wehelinayo wasiirka Arrimaha Dibeda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Somaliland ayaa maanta oo Salaasa ah, taariikhduna tahay 01/11/2022 waxa uu habka maqalka iyo muqaalka ah (Video Conference) kulan ku-layeeshay Safiirka Ingiriiska iyo ku simaha Safiirka Maraykanka.


Ugu horayn, Madaxweynuhu waxa uu uga waramay safiiradda xaaladda guud ee abaaraha ka jira Somaliland, taas oo lagu qiyaasay in dad gaadhaya hal milyan iyo badh (1.5 M) qof ay u baahan yihiin gargaar binu-aadanimo, waxaanu madaxweynuhu si qoto dheer uga hadlay in taakulada caalamiga ah ee loogu talo-galay Somaliland aanay noqon mid loo soo mariyo cid kale ee lagu saleeyo qorshaha Jamhuuriyadda Somaliland.

Madaxweynuhu waxa kale oo uu sharaxaad ka bixiyey hawlaha doorashooyinka ee dalka ka socda; sida tartanka ururada siyaasada iyo qabsoomida doorashooyinka inagu soo foolka leh. Sidaa darteedna ay xukuumaddu diyaarisay kharashka ku bixi-doona diiwaangelinta iyo doorashooyinka.
Ugu danbayntii safiiradu waxay madaxweynaha uga mahadnaqeen kulanka ay la qaateen, waxaanay balan qaadeen inay Somaliland si dhaw ula shaqayn doonaan.

ALLAA MAHAD LEH

Naasir Yuusuf Daahir

Agaasimaha Waaxda Saxaafadda iyo Warbaahinta Madaxtooyada JSL.

May be an image of 1 person, sitting and suit


Loading...
Loading...