Raysal Wasaaraha Itoobiya Oo Sheegay In Dalkiisa Faragelin Lagu Hayo
Ra'iisul Wasaaraha
Itoobiya Abiy Axmed ayaa sheegay in "faragelin weyn oo dhanka dibadda
ah" lagu hayo wadahadalka sii socda ee u dhaxeeya dowladda iyo maamulka
Tigray balse uu weli rajo ka qabo in heshiis nabadeed la gaaro.
Isagoo la hadlayay
Telefishinka Caalamiga ah ee Shiinaha (CGTN), Mr Abiy ayaa sheegay in reer
Itoobiya ay xalin karaan arrimahooda inkastoo cadaadis caalami ah lagu saarayo
xabbad-joojin. "Dabcan, haddii ay jiraan faragelin badan oo bidix iyo
midig ah, aad ayay u adag tahay," ayuu yiri Abiy.
"Waa inay fahmaan
inaan arrimaheena anaga xallin karno." Waxa uu sidoo kale xaqiijiyay
qabsashada ay ciidamada federaalku qabsadeen magaalooyinka Shire, Axum iyo Adwa
.
"Waxaan isku
dayeynaa inaan ku qancino TPLF inay ixtiraamto sharciga dalka, inay ixtiraamto
dastuurka iyo inay u dhaqanto sidii hal maamul oo ka tirsan dalka
Itoobiya," ayuu yiri.


0 





