Turkiga Oo Soo Saaray Baabuur Korontada Ku Shaqaynaya
Hargaysa (HWN) Waddanka
Turkiga ayaa ugu dambayn shalay si rasmi ah ugu dhawaaqay in uu guul kusoo
dhammaaday Gaadhi cusub oo ay soo saareen oo ku shaqaynaya Korontada.
Habeenimadii Sabtida,
Turkigu waxa ay u dabbaal degeen soo saarista baabuurkii ugu horreeyay ee lagu
farsameeyo gudaha dalka, taasoo calaamad u ah bilawga wax soo saar taxane ah oo
ku aaddan baabuurkiisa Korontada ku shaqeeya ee loo yaqaano "Togg".
xaflad sacab badani u dhacay telefishannada dalkana toos looga daawanayay.
Xafladda lagu daah
furayay Bandhigga gaadhigan ayaa lagu qabtay warshadda baabuurta maxaliga ah oo
ku taal degmada Gemlik ee magaalada Bursa, waqooyi galbeed dalka Turkiga.
Baabuurkan Turkigu soo
saaray ayaa ah ka tirsan bahda loo yaqaan C SUV (Heerka dhexe), waxaana madasha
ku kaxaystay madaxweyne Rajab Dayib Erdogan.
Afhayeenka shirkadda
soo saartay baabuurkan ayaa warbaahinta u sheegay in farsamada Gaadhigan uu
100% leeyahay Turkigu oo aan haba yaraatee hal shalay oo ka mid ah meel kale
laga keensan.
Bandhigga Wax soo
saarkan cusub ayaa lagu soo beegay sannad guurada 99aad ee dhismaha
Jamhuuriyadda Turkiga.


0 





