Maxay Tahay Hambalyada Uu Wasiir Kaahin Bulshada Udiray?

0
Tuesday November 01, 2022 - 17:11:58 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 1966
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 0
  • Share via Social Media

    Maxay Tahay Hambalyada Uu Wasiir Kaahin Bulshada Udiray?

    "kuwaasoo si hagar la'aan ah uga qayb qaatay hawsha madax taabashada"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"kuwaasoo si hagar la'aan ah uga qayb qaatay hawsha madax taabashada"

 



Hargaysa (HWN) Wasiirka Wasaaradda Arimaha Gudaha JSL Maxamed Kaahin Axmed, ayaa shir jaraa'id oo uu qabtay Shacabka Jamhuuriyadda Somaliland ugu hambalyeeyey sida ay uga qayb galeen Tartanka madax taabashada Ururada Siyaasadda, taasoo lagu soo geba-gabeeyey Gobolka Sool 31/10/2022.

 

Wasiirka ayaa shacabka ugu bushaareeyey in ay madax taabashadii ururadda Siyaasaddu ay ku soo dhamaatay si nabadgelyo, isagoo oo Wasiirku u mahadnaqay shacabka Somaliland, Ciidamada kala duwan, Badhasaabada Gobolada, Gudoomiyayaasha Goleyaasha Degaanka, kuwaasoo si hagar la'aan ah uga qayb qaatay hawsha madax taabashada Ururada Siyaasadda iyo ilaalinta nabadgelyada.

 

Wasiirka Wasaaradda Arimaha Gudaha JSL, ayaa sidoo kale u mahadnaqay Gudida Diiwaangelinta Ururada iyo Ansixinta Asxaabta Qaranka oo iyana hawl adag soo qabtay, Wasiirka ayaa sheegay in loo diyaar garoobayo qaybaha kale ee Doorashooyinka soo socda.

 

Shirkan jaraa'id waxaa Wasiirka Wasaaradda Arimaha Gudaha ku wehelinayey Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arimaha Gudaha Maxamed Yuusuf Ismaaciil.

 

Xafiiska Warbaahinta Wasaaradda Arimaha Gudaha JSL.


Loading...
Loading...