Ciidamada Soomaaliya Ma Dhar Bay U Baahan Yihiin Mise Daryeel?
soo saari doono dharka ciidammada qalabka sida, si loo daboolo baahidii aheyd dharkii ciidanka ee uga imaan jiray dibadda.
Waxay dowladda xariga ka jartay warshad soo saareysa dharka ciidammada oo uu hadda dhisme ku socdo.
Qorshahan waxaa dowladda Soomaaliya ka taageeray Turkiga oo kamid ah dalalka sida weyn uga qeyb qaadanaya dib u dhiska ciidanka.
Taliyaha ciidanka Asluubta, Bashiir Maxamed Jaamac oo kamid ahaa mas'uuliyiinta booqatay warshadda ayaa sheegay in ciidammada Asluubta ay gacanta ku hayaan warshaddan islamarkaasna hal sano kaddib ay saari doonto dhammaan dharka ciidammada.
Daryeelka ciidammada
Ciidanka Soomaaliya ayaa inta badan lagu tilmaama kuwo aan helin daryeelka ay u baahan yihiin sida mushaar ku filan, dawooyinka dhaawacyda ay kala kumaan dagaallada iyo adeegyada aasaasiga ah ee nolosha.
Dad badan ayaa isweydiinaya "sababta diiradda loo saari waayay daryeelka ciidanka, halkii direyskooda laga billaabi lahaa".
Dr Cabdiwahaab Sheekh Cabdisamad oo ka faallooda arrimaha gobolka ayaa waxa uu BBC-da u sheegay in dhismaha warshadda ay tahay horumar lagu tallaasaday balse daryeelka uu uga muhiimsan yahay ciidammada.
Wuxuu sheegay in waxyaabaha kale ee la doonayo ay ka mid tahay in cunaqabateynta hubka laga qaado dowladda Soomaaliya si ay ula jaan qaaddo ciidammada gobolka ee qeybta ka ah dagaalka.
Mushaaraadka ay qaataan ciidammada Soomaaliya ayaa aad u yar marka loo eego ciidammada nabad ilaalinta midowga Afrika ee ku sugan dalka.
"Ciidanka imika joogo ee AMISOM, mushaarka ay qaataan haddii boqolkiiba 30 oo kaliya ah la siin lahaa ciidanka Soomaalida, waxaan anigu isleeyahay ammaanka dalka gacanta ayay ku dhigi lahaayeen" ayuu yiri Dr Cabdiwahaan Cabdisamad.
Ciidanka Soomaaliya ayaa la sheegaaa inay wajahayaan nolol adag, ayna yihiin kuwo dayacan oo aan helin agabkii ay ku howlgali lahaayeen oo ku filan iyo in aanan diiradda la saarin wax ka qabashada baahidooda.
Cabdiwahaab waxaa uu sidoo kale sheegay in ciidankii ilaalin lahaa amniga dalka ay dayacan yihiin isla markaasna xukuumad kasta oo qabata talada dalka aysan muhiimad gaar ah siineyn daryeelka ciidammada.
"Ciidanku waa dayacan yahay, ciidanku waa oynayaa, ciidanka wuu baahan yahay..adduunyaduna way dayacday, dadkii Soomaalida ahaana way dayaceen" ayuu yiri Dr Cabdiwahaab.
Waxaa uu dowladda Soomaaliya usoo jeedisay inay la timaaddo qorsheyaal iyo barnaamijyo wax ku ool ah oo lagu tayeynayo laguna taageerayo ciidammada Soomaaliya.
Al Shabaab iyo tuutaha Milateriga
Waxaa sannadkii hore baraha bulshada lagu baahiyay sawirro la sheegay in laga soo qaaday maleyshiyaad ka tirsan ururka Al Shabaab oo ku sugnaa magaalooyinka Jilib iyo Saakoow ee dalka Soomaaliya.
Janaraal Maxamed Nuur Galaal oo horay uga tirsanaa taliskii militarigii Soomaaliyaa ayaa mar sii horreysay BBC-da u sheegay in agabka militariga sida direyska iyo hubka ay Al Shabaab labo siyaabood ku helaan.
1- Iyadoo aan ciidamada dawladda Soomaaliya la siinin mushaar joogto ah, ayna leeyihiin carruur iyo xaasas, sidaa darteedna ay duruufta nolosha ee ku xeeran ku khasbayso inuu askarigu reerkiisa u helo nolol, oo uu suuqa geeyo wixii uu hayo.
2- In Shabaab ay ka furtaan darees iyo hub ciidanka dawladda.
Isagoo arrintaas sii adkaynaya ayuu yiri "ka furashadu laba iyo seddex kaliya ma ah ee guutooyin dhan ayey wax ka qaadanayaan. Marka la tababarayo waxaa la yiraahdaa ' dharkiinii iyo kabihiinii iyo qalabkiinii cadawga ayaa haysta ee ka doonta' waana ka doonteen, waana helaan oo waa kuwaas aad sheegayso".
BBC