Maraykanka & Ingiriiska Oo Muuse Biixi Kala Hadlay Qorshaha Doorashada
Hargeysa -(HWN)- Madaxweynaha
Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi oo uu wehelinayo wasiirka
Arrimaha Dibeda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Somaliland ayaa maanta oo
Salaasa ah, taariikhduna tahay 01/11/2022 waxa uu habka maqalka iyo muqaalka ah
(Video Conference) kulan ku-layeeshay Safiirka Ingiriiska iyo ku simaha
Safiirka Maraykanka.
Ugu horayn,
Madaxweynuhu waxa uu uga waramay safiiradda xaaladda guud ee abaaraha ka jira
Somaliland, taas oo lagu qiyaasay in dad gaadhaya hal milyan iyo badh (1.5 M)
qof ay u baahan yihiin gargaar binu-aadanimo, waxaanu madaxweynuhu si qoto
dheer uga hadlay in taakulada caalamiga ah ee loogu talo-galay Somaliland aanay
noqon mid loo soo mariyo cid kale ee lagu saleeyo qorshaha Jamhuuriyadda
Somaliland.
Madaxweynuhu waxa kale
oo uu sharaxaad ka bixiyey hawlaha doorashooyinka ee dalka ka socda; sida
tartanka ururada siyaasada iyo qabsoomida doorashooyinka inagu soo foolka leh.
Sidaa darteedna ay xukuumaddu diyaarisay kharashka ku bixi-doona diiwaangelinta
iyo doorashooyinka.
Ugu danbayntii
safiiradu waxay madaxweynaha uga mahadnaqeen kulanka ay la qaateen, waxaanay
balan qaadeen inay Somaliland si dhaw ula shaqayn doonaan.
ALLAA MAHAD LEH
Naasir Yuusuf Daahir


0 





