Siyaasi Soo Bandhigay Dhibaatooyin Ka Jira Jeelka Wayn Ee Gabilay

0
Tuesday November 01, 2022 - 09:15:39 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 799
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Siyaasi Soo Bandhigay Dhibaatooyin Ka Jira Jeelka Wayn Ee Gabilay

    "20 maalmood ayaa mar la maydha qolka, waxa ku jira Maxaabiis muddo dhaaftay"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"20 maalmood ayaa mar la maydha qolka, waxa ku jira Maxaabiis muddo dhaaftay"



Hargaysa (HWN) Maxamed Saddiiq Dhamme oo ka tirsan xisbiga Mucaaradka ah ee Waddani ayaa soo bandhigay dhibaatooyin daran oo kajira xabsiga wayn ee magaalada Gabilay.

 

Siyaasi dhamme ayaa qoraal uu baahiyay oo uu kaga hadlayo dhibaatooyin uu sheegay inay kajiraan xabisgaasi ku yidhi sidan:-

 

"31 sano kaddib, Xabsiga Gabiley ee hadda Maxaabiistu ku jirtaa waa 5 Hool, Hoolkii wuxuu qaadaa 50-60 Maxbuus, waxa loo mitiriyaa qofka 3 dhudhun dherer 1 dhudhun ballac ah suuragal maaha in qofku lugaha fidsado, waxa dhisan qayb cusub muddo 2 sano ah oo aan weli la furin. quraacdu waa 2 xabbo oo roodhi moofo ah kooba Shaaha oo bigays ah, qadadi qofkii waa laba Qaaddo oo Bariis iidaanku ku yar yahay, Cashadu waa 2 Qaaddo oo Garaw ah, Qorrax ma helaan, bukaan iyo bedqab way is dhex jiifan, 20 maalmood ayaa mar la maydha qolka, waxa ku jira Maxaabiis muddo dhaaftay oo u xidhan lacago yaryar, dadkaa Muddo dhaafay Qaran ahaan halloo gurmado !”


Loading...
Loading...