Khudaar Somalidu Aad U Cunto Oo La Ogaaday Inuu Ka Hortago Cudurka Kansarka
Bocor-guduud-ka waa
nooc ka mid ah khudaarta sida joogtada ah loo isticmaalo, Soomaaliduna waxa ay
u adeegsadaan inay tayo dheeri ah ugu yeelaan cuntooyin kala duwan, sida
suugada baastada iyo bariiska.
Shaki kuma jiro in qoys
walba oo Soomaali ah raashinkooda maalinlaha ah laga helo bocorka oo noocyo
kala duwan leh, inkastoo khudaartan aysan ahayn mid ay Soomaalida oo kaliya
isticmaalaan.
Balse marka laga soo
tago tayeynta raashinka, boqcor-guduud ku wuxuu leeyahay faa’iidooyin caafimaad
oo dadka qaar marka ay ogaadaan ku noqda kuwo lama filaan ah.
Kuwani waa shan ka mid
ah faa’iidooyinka caafimaad ee ugu waaweyn ee laga helo bocor-guduud-ka.
Xoojinta
caafimaadka maqaarka
Bocor-guduud-ka waxaa
ku jira nafaqooyin wax tar weyn u leh maqaarka bani’aadanka, waxaana ka mid ah
fitamiinnada C iyo E. Sidoo kale waxaa ku jira maaddada beta-carotene oo
maqaarka ka dhigta mid dhalaalaya oo caafimaad leh.
Fitamiin C jirka uguma
sameysmo si dabiici ah, sidaas awgeedna waxaa muhiim ah in laga helo
cuntooyinka uu qofku qaato. Noocan fitamiinka ah waxa uu kaalin weyn ka qaataa
in uu maqaarka siiyo awood, si dhaqso ahna uga kabsado dhaawacyada soo gaara.
Fitamiin E ayaa isagana
si wanaagsan ula fal gala nooca C-ga, waxa ayna si wadajir ah uga shaqeeyaan in
maqaarka uu adkeysi u yeesho kuleylka qorraxda iyo in uusan engagin.
Maaddada beta-carotene,
oo sidoo kale loo yaqaanno fitamiin A ayaa iyadana maqaarka ka caawisa in uu
iska difaaco fallaaraha qorraxda ee loo yaqaan "UVB”, waxayna maqaarka ka
celisaa inuu ku gubto kulka cadceedda.
Sare
u qaadista caafimaadka indhaha
Fitamiin A-ga oo
yaraada ayaa lala xiriiriyay aragga indhaha ee daciifa iyo xitaa naafanimada
indhaha.
Maaddada beta-carotene
oo ay wehliyaan fitamiinnada C iyo E ayaa indhaha ka caawiya in ay ka yareeyaan
khatarta cudurrada soo wajaha.
Xoojinta
awoodda difaaca jirka
Maaddada beta-carotene
ee ku jirta bocorka guduudan waxay isu beddeshaa fitamiin A marka la cuno ka
dib. Cilmi baaris la sameeyay ayaa muujisay in fitamiin A uu muhiim u yahay
xoojinta unugyada difaaca jirka bani’aadanka.
Waxaa xoogeysta shaqada
difaaca marka ay jirta soo galaan tiro badan oo ah fitamiin A.
Waxaa taas sii dheer in
fitamiin C-ga uu unugyada difaaca jirka xoojiyo uuna badiyo tirada xididda
dhiigga cad.
Wuxuu
yareeyaa khatarta cudurrro dhowr ah oo la isku dhaho "Metabolic Syndrome”
Bocor-guduud-ka waxa uu
gacan ka geystaa ka hor tagista xaalad loo yaqaanno "Metabolic syndrome” oo ah
isu tagga cudurro dhowr ah oo ay ku jiraan sokorowga ama macaanka, cayilka xad
dhaafka ah iyo dhiig karka.
Xanuunnadan waxa ay si
wadajir ah u kordhiyaan khatarta uu qofku ugu jiro inuu wadnaha istaago ama
kusoo boodo faalig oo afka qalaad lagu dhaho "stroke”.
Daraasad dalka Japan
laga sameeyay sanadkii 2015 ayaa lagu ogaaday in khudaar uu ka mid yahay bocor
guduudka ay kaalin ka qaataan ka hor tagista cudurradaas isbahaysta.
Ka
hortagga cudurka kansarka
Inkastoo aysan jirin
cuntooyin si toos ah uga hor taga xanuunka kansarka, xaaladaha iyo noocyada
kansarka qaarkoodna aysan wax xiriir ah la lahayn raashinka uu qofku cuno,
haddana waxaa caddeymo loo helay in joogteynta raashin caafimaad leh ay gacan
ka geysan karto in ay yaraato khatarta kansarka.
Waxaa intaas sii dheer
in dhammaan maaddooyinka laga helo bocor guduudka, sida fitamiinnada C, A iyo E
ay ka hortegi karaan noocyo badan oo ka mid ah kansarka dilaaga ah, sida
kansarka naasaha.
Bocorka waa khudaar uu
isticmaali karo qof walba, inkastoo dad kooban ay ku qabi karaan xasaasiyad.
BBC