Waa Maxay Xunkunka Sharci ee Caymisku

0
Monday October 31, 2022 - 17:56:37 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1410
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Waa Maxay Xunkunka Sharci ee Caymisku

    W/Q: Khaalid Ibraahim Cali

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

W/Q: Khaalid Ibraahim Cali



Waxaa immika lagu guda jiraa doodaha baarlamaanka ee caymiska oo ay kooxo ganacsadeyaal ahi dabada ka riixayaan in dadka khasab lagaga dhigo inay qaataan oo iibsadaan caymis. Sida ka muuqata xeerkan la rabo inuu sharciga dalka ka mid noqdo, waxa caymisku noqon doonaa ganacsi ku fadhiya malaayiin dollar sannadkii, oo dano ganacsi oo weyn ugu fadhiya dadka ka shaqaysta ganacsigan. Waxaynu qoraalkan ku eegi doonaa macnaha caymiska iyo qaababka kala duwan ee culimada muslimiinta ee adduunku uga hadleen caymiska iyo xeerarka iyo axkaamta la socda.

 

Waxaynu haddaba ku bilaabaynaa su’aal ku jirta buugga ”islam: Questions and Answers - Jurisprudence and Islamic Rulings, Part 8 ” Sh. M S. Abdulrahman; oo ku salaysan buugga ”Khalaasah Fi Xukm Al-Ta’miin” ee uu qoray Shaykh Dr. Sulaymaan Ibn Ibraahiim Al-Thaniyaan

Waa maxay xukunka caymiska ganacsi ee beryaha danbe soo badanaya?

 

Jawaab:

Caymiska ganacsi waa nooc ka mid ah ribada

Dhammaan noocyada caymis ee ganacsi wax shaki ah kuma jiro inay yihiin ribo. Caymisku waa iibinta lacag lagu iibinayo lacag, kaasoo ah xaddi ka badan ama ka yar, oo xilli danbe la bixinayo lacagaha midkood. Waxa ku jira riba al-fadl (bayc ku salaysan dulsaar) iyo riba al-nasaa (riba ku koraysa haddii lacag-bixintu ay ka dibdhacdo taariikhda la filayo), sababtoo ah shirkadaha caymisku waxay qaataan lacagta dadka waxayna ballanqaadaan inay bixiyaan lacag ka badan ama ka yar marka shil gaar ah oo caymis lagu galay uu dhaco. Waxani waa ribo, ribaduna waa mamnuuc sida ku cad aayado badan oo quraanka kariimka ah.

 

Caymiska ganacsigu wuxuu ku salaysan yahay khamaar

Dhammaan noocyada caymis ee ganacsi kuma dhisna wax aan ahayn khamaar oo xaaraan ah sida ku cad Quraanka:

"Dadkii alle rumeeyayoow Khamriga iyo khamaarka iyo sanamyaasha la caabudo iyo qoryaha lagu faashado waa wasakh (nijaas weeyi, shaydaanka shaqooyinkiisa weeyi), ka durka (oo agtiinna yay soo marin), si aad u horumartaan ummadyahay.”Tafsiirka Sh. Maxamed Dirir ee aayadda 90aad ee suuratul Maa’idah.

 

Dhammaan noocyada caymisku waa qaab bakhtiyaa-nasiib. Waxay shirkaduhu ku odhanayaan, bixi lacagta intaa le'eg, kadib haddii ay waxaasi kugu dhacaan waxaan ku siinaynaa intaa intaa. Tani waa khamaar waadix ah oo aan meelna loogu soo gabbanayn. Qofka isku daya inuu kala saaro caymis iyo khamaarkuna waa madax adayg cad oo maskax kasta oo fayow aanay aqbali karin. Shirkadaha caymiska laftoodu waxay kuu qirayaan in caymisku yahay khamaar.

 

Caymisku wuxuu ku salaysan yahay bayc wax aan kala caddayn.

Nooc kasta oo caymisku waa bayc shaki ku jiro oo aan la hubin/la ogeyn. Wax kala iibsiga la xidhiidha wax aan la garanayna waa mamnuuc sida ku cad axaadiis badan oo saxiix ah, oo ay ka mid yihiin xadiiskii uu wariyay Abuu Hureyrah (Alle ha ka raalli noqdee):

 

”Rasuulku (SCW) wuxuu nahiyay dhagaxa bayciisa (dhagaxa inta la tuuro, laga dhigo wuxuu ku dhacay ama gaadhay inay tahay bayciisa) iyo bayca waxa aan la hubin/kala caddayn” Saxiixul Muslim, kitaabul buyuuc, xadiis Lr:3614

 

Dhammaan noocyada caymiska ee ganacsi waxay ku salaysan yihiin shay aan la garanayn/ la hubin inuu dhici doono. Shirkadaha caymiska iyo kuwa iibiya caymisku waxa kaliya ee ay caymis geliyaan waxa mustaqbalka ah ee aan la garanayn inuu dhici doono iyo in kale weligoodna caymis ma siiyaan kiis la hubo inuu dhacayo.

 

Si kale haddii loo dhigo, shuruudda caymiska aad ku helaysaa waa inay lahaataa suurtagalnimada inay dhacdo ama aanay dhicin (taasoo lidkeeda ah, tusaale ahaan, qof qaba xaalad hore u jirtay, sida qof xukun dil ah dulsaaran yahay oo codsanaya caymiska nolosha)

 

Waxaa intaa dheer, waxa wax kala iibsigani ku lug leeyahay shay aan la hubin, kaas oo ah goorta shil dhaco iyo inta uu le'eg yahay khasaaraha uu sababay.

Sidaa darteed, caymisku waxa uu isku darsaday saddex nooc oo waxyaabaha shaki ku jiro (aan la hubin) kuwii ugu darnaa.

 

Caymiska ganacsi wuxuu qaab xaq darro ah u cunaa maalka ummadda

Dhammaan noocyada caymis ee ganacsi waxay xaq-darro ugu cunaan xoolaha dadka, taasoo xaaraan ah sida uu Quraanku sheegayo:

"Dadkii Ilaahay rumeeyow! Xoolihiinna ka ku kala cunina dhexdiinna xaqdarro/baadil”(al-Nisa 4:29 – fasiraadda macnaha).

 

Dhammaan noocyada caymiska ganacsigu waa macaamil ganacsi oo qish ku jiro oo loogu talagalay in lagu cuno hantida dadka si baadil ah. Sahamin tirakoob oo uu sameeyay mid ka mid ah khubarada Jarmalku waxa ay sheegaysaa in waxa dadka uga soo noqda lacagta laga qaatay aanay ka badnayn 2.9%. Caymisku wuxuu ummadda ku yahay khasaare aad u weyn, mana jirto wax daliil ah ama cudur daar loo heli karo falka kuffaarta ka luntay xidhiidhka qaraabada iyo saaxiibtinimada, sidaas darteedna ay ku qasban yihiin in ay galaan caymis, ay u neceb yihiin in ka badan inta ay neceb yihiin geerida.

Kuwani waa inyar oo ka mid ah xad-gudubyada shareeco ee caymiska salka u ah. Waxaa jira xad-gudubyo kale oo badan oo aan u baahnayn in aynu halkan ku xusno, loomana baahna in la sameeyo, sababtoo ah xad-gudubyada aan kor ku soo sheegnay mid ka mid ah ayaa ku filan inuu caymiska ka dhigo mid ka mid ah waxyaabaha mamnuuca ka ah Shareecada Ilaahay.

Waa wax laga xishoodo in dadka qaar ay ku khiyaamoobaan siyaabaha ay shirkadaha caymisku uga dhigaan caymiska wax soo jiidasho leh oo ay ku jahawareeriyaan dadka iyaga oo ugu yeedhaya "iskaashato" ama "is-taageerid "ama "Islamic", ama magacyo kale oo aan waxba ka beddelayn dabeecadda caddaalad-darrada ah ee caymiska.

 

Caymiska iskaashato ma xalaal baa?

Shirkadaha caymisku waxay sheegtaan in culimadu fatwooyin soo saareen oo ay ku sheegeen in waxa loo yaqaan "caymiska iskaashato" uu yahay mid xalaal ah. Tani waa been. Sababta keenaysa jaahwareerkani waxay ahayd iyadoo qaar ka mid ah shirkadaha caymisku ay culimada ula tageen qorshe khiyaano ah oo aan shaqo ku lahayn nooc kasta oo caymis, balse waxay yidhaahdeen waa nooc caymis oo ay u bixiyeen "cooperative insurance” (si ay ugu qurxiyaan dadka oo u jahawareeriyaan).

 

Waxay yidhaahdeen waxa uu ku salaysan yahay waxa ay dadku ku deeqaan, oo ah nooc ka mid ah iskaashiga uu Eebbe innagu faray aayadda 2aad ee Suuratul Maaida: "Isku kaashada samaha(wanaagga) iyo Alle ka cabsiga)…”, Waxaanay leeyihiin ujeeddadu waxay ahayd in la iska kaashado yaraynta masiibooyinka xad dhaafka ah ee dadka ku dhici kara.

 

Laakiin xaqiiq ahaanse waxan ay ugu yeedheen caymiska iskaashigu wuxuu la mid yahay caymisyada kale; waxa kaliya ee ay ku kala duwanaayeen waxa ay ahayd habka loo dejiyay, ee ma aha dabeecaddiisa asaaska ah. Waxay ahayd mid aad uga fog deeq fudud oo qofku bixinayo ama iskaashi wanaag iyo cibaado; Xaqiiqdii waa nooc iskaashi oo dembi iyo xadgudub ah.

Ujeeddadu may ahayn in la iska fududeeyo oo la iska caawiyo dhibaatada masiibooyinka, balse waxay ahayd in dadka looga qaato xoolahooda qaab aan xaq ahayn, taas oo gabi ahaanba xaaraan ah, sida caymisyada kaleba yihiin. Markaa waxan ay culimada hordhigeen xataa may ahaynba caymis.

 

Marka la eego waxyaabaha ay qaarkood ku andacoonayaan, ee ah in qayb ka mid ah khidmadaha (lacagta la siiyay caymiska) loo soo celiyo caymis-qaataha, tani waxba kama beddeleyso kamana saarayso caymiska raadadka ribada, khamaarka, bayc ku salaysan shaki/waxaan la garanayn, isticmaal xoolaha dadka qaab caddaalad darro ah, waxaanu ka hor imanayaa mabda'a ah in Alle la aamino (Tawakul), iyo falal kale oo xaaraan ah.

 

Caymisku waa khiyaamo iyo jahawareer. Qofkii raba inuu macluumaad dheeraada ka ogaado waa inuu tixraacaa qoraallada ”Al-Ta’miin wa Axkaamuhu (Caymiska iyo axkaamtiisa)”. Waxaan ugu baaqayaa qof kasta oo muslim ah oo diintiisa ku faana, rajadiisuna Ilaahay naxariistiisa iyo maalinta aakhiro tahay in uu Alle ka cabsado, kana fogaado dhammaan noocyada caymiska, si kasta oo ay u qurxiyaan dadka hor ordayaa, waayo waa xaaraan. Sidaas ayuu qofku diintiisa iyo maalkiisa ku ilaashanayaa, waxaanu amni ka heli doonaa cidda kaliya ee amniga iska leh, oo ah, Ilaahay Subxaanahu watacaalaa.

Ilaahay dhammaanteen ha innaga dhigo kuwii  fahma arrimaha diinta ee ku dhaqaaqa wixii Rabbul-Caalamiinku raalli ka yahay.

Sh. Muhammad Said Abdul Rahman.

Qaybtan kore ee buugga aynu ka soo xigannay ka sokow. Waxa kale ee aynu eegi karnaa fatwada shaykh ibn cuthaymeen ee ku saabsanayd dadka deggan dalalka aan muslimiinta ahayn. Waxa aad tixraac ahaan qaybtan soo socota ka helaysaa "Al-Aqalliyaat al-Muslimah – Bogga 63aad, Fatwa Lr.3”

Waxa uu ibn Cuthaymiin fatwadan ku yidhi:

"Markaan eego intaan garanayo, sharciyada caymisku waxay ku salaysan yihiin guulaysi iyo khasaare. Heshiis kasta oo arrintan ku salaysan waa khamaar, taasoo ah wax Ilaahay ku xarrimay kitaabkiisa (Qur’aanka) oo uu la simay khamriga iyo caabudidda asnaamta. Waxa Ilaahay Jalla Wacalaa quraankiisa ku yidhi: "Dadkii alle rumeeyayoow Khamriga iyo khamaarka iyo sanamyaasha la caabudo iyo qoryaha lagu faashado waa wasakh (nijaas weeyi, Shaydaanka shaqooyinkiisa weeyi), ka durka (oo agtiinna yay soo marin), si aad u horumartaan ummadyahay.” [Suuratul Maa’idah, Aayadda 90aad (Tafsiirka Sh. Dirir)].

 

Aan ku siiyo tusaale, waxaad caymis gelisay gaadhi waxaanad ka bixisay $200 sannadkii si shirkadda caymisku u dammaanad qaaddo in ay daboosho kharashka wax kasta oo gaadhiga ku dhici kara, ha ahaato gaadhiga oo burburay ama dhaawac yarba. Haddii sannadkaasi dhaafo oo baabuurku aanu burburin ama dhaawacmin, waxa markaa guulaysanaya shirkadda caymiska, caymis-qaatuhuna wuu khasaaray. Haddii uu laakiin baabuurku burburo ama dhaawac xun soo gaadho, caymis-qaataha ayaa helaya wax ka badan inta uu siiyay shirkadda. Xaaladdan oo kale, isagu waa guuleystaha, shirkadda caymiskuna way ku khasaartay. Heshiis kasta oo qaabkan ku salaysani waa khamaar sidaas darteed waa mamnuuc.

 

Si kastaba ha ahaatee, waxaa la ii sheegay in waddamada qaar dadka lagu qasbo inay galaan heshiis caymis. Haddaba maxay muslimiintu samayn karaan haddii xaaladdu sidan tahay? Aniga aragtidayda waa in uu bixiyo wixii lacag ah ee lagu qasbo in uu caymis ku bixiyo balse aanu u qaadan in ay tahay heshiis ama heshiis sharci ah, balse ay tahay lacag xaqdarro ah oo cadaadis lagu saaray. Haddii aanay wax shil ah so gaadhin waa nicmada iyo naxariista Eebbe inna siiyay. Waxaana lagaga qaatay lacagtiisa xaq-darro, wuuna heli doonaa Maalinta Qiyaame. Haddii ay dhacdo in khasaare hantidiisa soo gaadhay oo shirkadda caymisku ay ku talo jirto inay wax u soo celiso, markaasoo kale, haddii qaddarka lacageed ee uu ku leeyahay la mid yahay kii uu heshiiska ku bixiyey, si caddaalad ah ayuu u qaadan karaa. Haddii dhinaca kale, waxa uu ka helayo shirkadda caymisku ay ka badan tahay inta uu bixiyey, waa inaanu qaadan wax ka badan inta uu bixiyey. Sidan, ayuu habraacu, sida ay aniga ila tahay, ku noqon doonaa mid waafaqsan shareecada Islaamka.

 

Gunaanad

Sida aad kor ku arkayso ama waxa markaad caqli ahaan adigu baadho ka fahmi karto doodaha, caymis kasta oo qofka qasab lagaga dhigaa ma bannaana. Qof ayaad ku qasbaysaa inuu wax iibsado, iyadoo iibkaasi weliba yahay mid aan ka iman niyaddiisa iyo duruuftiisa oo aanu ogeyn inay wax uga soo noqonayaan ama in kale (bakhtiyaa nasiib ah).

 

Dadka jooga dalalka aan muslimiinta ahayn ee ku qasban caymiska waxa loo banneeyay oo culimadu isku raaceen inuu ku ekaado caymiska intiisa qasab lagaga dhigay oo keliya. Haddii aad eegtid dalalkan reer galbeedka, shayga ay gaaladu adduunka ugu neceb yihiin waa caymis oo ay dhimashada ka neceb yihiin.

 

Haddaba dalkeennan immika la rabo in ummadda lagu qasbo caymis, qof kastoo idinkaga jira Madaxda ku lug leh arrintan iyo Golaha Baarlamankuba dib ha ugu noqdo naftiisa. Ha eego waxan uu ummada ku qasbayo inay bannaan tahay iyo in kale.

 

Ha xusuusto inuu xeer kasta oo uu u doodo, oo uu u codeeyaa aanu saamaynayn ummad 5 milyan ah oo keliya. Xeer kasta oo aad u codeysay amma aad keentay wuxuu sii jiri karaa 100 sano amma in ka badan.

 

Haddii xeerkaasi diiniyan sax yahay, waa sadaqo jaariya oo kuu socota. Haddii uu laakiin dulmi yahay, ogow in muddada xeerkaa lagu dhaqmayo oo dhan amma noolow amma xabaasha ku jire aad umadaha dembigooda idinku qaaddeen, sababtoo ah waa xeer ummadda ku qasbaya inay dembi galaan, khamaar iyo ribo lacag ku bixiyaan oo aanay ikhtiyaar u lahayn.

 

Waxa idiinka fiican inaad wax ka qabataan waa waxyaabaha ay muhiimmadda umadaha reer galbeedku saareen. Ammaanka waddooyinka (safety engineering) iyo adkaynta sharci marinta ku xadgudubka xeerarka waddada.  Waxay Iswiidhan oo kale ka soo ridday dhimashada sannadlaha ah celcelis ahaan 500 oo qof sannadkii ilaa 200 sannadkii waxaanay tirada baabuurta Iswiidhan kor u dhaafeen 5.5 milyan oo gaadhi. Waxay tani u dhigantaa saami ahaan iyadoo Somaliland oo dhan sannadkii 4 qof gaadhiyaasha ku dhintaan.

 

Culimada ummadan cilmiga diinta u haysana waxa ay aad u gabeen inay dadka ku baraarujiyaan oo dawladda ku baraarujiyaan xukunka arrimahan. Caymiskan iskaashi ee shirkadaha qaar ku doodayaan xalaalnimadiisu wuxuu la mid yahay qaabkii reer banii israaiil ay Sabtida u kalluumaysteen. Qofka beer oodan intuu oodda qaybyar iska riixo yidhaahda dibeddaan ka joogaa beertaasi waa wax aan caqli saliim ah ahayn. Dib u eega caddaymaha culimadda dunidu ku xarrimeen caymiska noociisa kasta. Mar walba waa bakhtiyaa-nasiib. Dad ayaa 40 sano bilaa shil ahaanaya oo kumanaan kun ku khasaaraya, qof kale ayaa sannad ama 2 sano gudahood galaya shilal badan oo mar walba helaya lacag aanu kasban. Waxa qasabkan ay dawladdu waddaa sidoo kale burinayaa qiilka keliya ee ay haysteen shirkaduhu, kaas oo ah inuu yahay deeq qofku iskii u bixinayo.

 

Mar walba caymis kama madhnaananyo raadadka aynu kor soo sheegnay ee baalmarinaya shareecada islaamka. Haddii dawladdu qasab ka dhigtona muxuu xukunkiisu noqonayaa? ummad dulman oo baaddil lacagtooda lagaga qaadayo iyo Dawlad iyo Baarlamaan dulmiga aakhiro loo haysto.


AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...