Muusa Gabyoo Yidhi, Abtiyaal Gobaa Tiin, Gabankiini Baan Ahaye, Ana Hay Gumaynina, Idina Geeriyo Xadhig Dadka Haw Gudoomina
Bismilaahi Alraxmaan Alraxiim,[A.S.C.W.R.W.B]
Tu khaas ahna bahda H/W iyo akhristayaasha.
Garxajisow go’amadii,BURCO aad ku gaadheen,
Gudaha iyo dibadaba,Dadweynuhu u guuxeen,
Garanayo garweeye,Garab kale Durban sudhan,
Gacalkaana kuu sidin,Sideeba lagu garaacdaa,
Golayaashii xeerkiyo,Guurtidiyo maxkamadii,
Gacanta wuxu ku haysta, Gidigod ciidankeeni,
Garana qaadan maaye,Go’aan {B} ma haysaan?
Guun weeyo askarigani,Guyaal badana soo jiray,
Geeshkii Siyaadbu,Garadada sare ka gaadhayoo,
Ina laga gol roonaado,Geeribu ka joogaaye,
Gabano kale ha laynina,Dagaaal hayna gelinina,
Guiyo laba isma dhamaan,Gefgef kale ku awdiyo,
Godobta lama wadaage,Kii galay maad u daysan,
Gobanimada hanataan,Guushana aad la hoyatan.
Ismail Abdillahi handuleh.
AFEEF:
Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!


0 





