"Xumaddii ayaa igu dhacday".. Guddoomiyaha Ururka Kaah Maxamuud Xaashi .

0
Monday October 31, 2022 - 17:12:09 in News by Abdi Good
  • Visits: 2468
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    "Xumaddii ayaa igu dhacday".. Guddoomiyaha Ururka Kaah Maxamuud Xaashi .

    "Xumaddii ayaa igu dhacday".. Guddoomiyaha Ururka Kaah Maxamuud Xaashi .

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Xumaddii ayaa igu dhacday".. Guddoomiyaha Ururka Kaah Maxamuud Xaashi .
May be an image of 1 person




Gudoomiyaha ururka Kaah Maxamuud Xaashi Cabdi ayaa sheegay inay ku dhacday xumadii isaga oo fariin u diray taageerayaasha ururkiisa ee gobolka Sool.

war uu soo saaray ayaanu ku yidhi sidan " 

"Taageerayaasha reer Laascaanood ee Ururka Kaah, waxaan leeyahay Hambalyo, hambalyo. Alle magane, waxaad muujiseen muruqiina iyo mabdi'iina leh mayalka adag. Mudanayaal iyo marwooyinba, si weyn ayaan idiinku Mahad celinayaa oo mug iyo miisaan leh. Wuxuu yidhi ina Cali Qablax, waysadaydaa waxa ku jira aniga iyo ilaahayba waanu ognahay. Haatan waxaan leeyahay allaha weyn anigu awoodihiisa isku dhererin maayo'e, waxaan ogahay, allena ogahay in aan guryaha gobta lagala tegin, geydh iyo gacmo madhan.

Waan ka xumahay in aanay ii suurto gelin, saaka in aan ka qayb qaato madaxtaabashadii gobolka Sool ee magaalada Laascaanood. Sababta keliya ee ii diiday, ama iga dabartay in aan la damaashaado maanta jamaahiirta ururka Kaah ee reer Laascaanood, waa iyada oo aan xanuunsaday. Cudur weyn ma qabo, waxaase igu dhacday xumadii saf marka ahayd ee dalka iyo dadkaba saaqday. Eebe mahadii hada waan ladanahay, waxaanan dareemayaa marba marka ka sii danbaysa caafimaad."

Loading...
Loading...