"Saddexda Xisbi Ee Hada Jira Midbaa Saaxada Ka Baxay Dhawaan" Samaale
Hargaysa (HWN) Siyaasi C/casiis Maxamed Samaale, oo ka
tirsan xisbiga Kulmiye ayaa sheegay in saddexda xisbi qaran ee hadda jira ee
UCID, Waddani, iyo Kulmiye uu midkood dhawaan saaxadda siyaasadda ka bixi
doono.
Cid iska leh awoodda ay
xisbi saaxadda siyaasadda kaga saarto, mid kaloo cusub na ku keento ayuu
C/casiis Samaale, ku tilmaamay in ay yihiin shacbiga oo cod ku kala doorta.
C/casiis Samaale, waxa
uu ka warbixiyay safarkii ay dhawaan goboladda Bariga dalka ku soo mareen, iyo
waxyaabihii ay kala soo arkeen. Waxaanu sheegay in dhamaanba bulshadda
goboladii ay soo mareen ay taageero xoogan u muujiyeen xisbiga Kulmiye.
Waxaanu yidhi
"Waxaanu ahayn wefti soo maray goboladda Barriga. Goboladii aan soo marnay
oo kala ahaa Saaxil, Sanaag, Togdheer, Sanaag, iyo Saraar, dhamaantoodba si
weyn baa na loogu soo dhaweeyay. Waxaanan soo aragnay taageeradayadda, iyo ummada Somaliland siday ugu
heelan tahay, ee ay u jeceshahay aanad malayn karayn.
Gobolka Sool, si gaar
ah ayaan u xusayaa. Dadkii aanu kula kulanay gobolka Sool, waxay sugi kari
laayi'iin, qabashadda diiwaangelinta codbixiyeyaasha, si ay kaadhadhka
codbixinta u qaataan. Gobolka Sool, iyo magaaladda Laascaanood dadku waxay
noqon doonaan, gobolka kaadhadhka ugu badan laga qaato. Dhamaanba goboladii
kale ee aanu soo marnay, taasaa ka muuqatay".
Isagoo hadalka siiwata
waxa uu yidhi yidhi "Kulmiye iyo Gabiley, way is yaqaanaan. Taariikhda ay
baxday Gabiley waa Kulmiye, Kulmiye-na waa Gabiley. Sanadkii 2002-dii ayay
weedhaasi baxsay, waa wakhtigii xisbiga la aasaasay.
Kulmiye, waa kaa imika
muddo 12 sanadood ah talada wadanka haya. Sanado kale oo badan-na wuu sii hayn
doonaa. Waxaanu Kulmiye yahay, oo uu noqon doonaa sida xisbiga ANC ee dalka
South Africa, ee talada wadanka intuu qabtay aan weligii ka degin. Kulmiye, waa xisbi aanay cidi gaar u lahayn,
waana xisbi ay ummada Somaliland oo dhami wada leedahay".
Dhinaca kale C/casiis
Samaale, waxa uu sheegay in marka ururadda siyaasadda la soo kala saaro in kuwa
ka soo guulaysta ama soo baxaa ay la tartami doonaan saddexda xisbi qaran ee
hadda jira.
"In ururadda
siyaasadda maanta la furo, oo waxa saaxadda siyaasadda taagan ah, waxaa furayaa
waa xeerarkeenna. Kulmiye waa kii ku dhiiraday markii uu sanadkii 2010-kii
tallada wadanka qabtay ayaa sanadkii 2012-kii ururadda siyaasadda la furay.
Saddexda xisbi ee
maanta jira Kulmiye, UCID, iyo Waddani, markaas ayay xisbiyo qaran noqdeen.
Xiligaa Kulmiye wuu ahaa xisbi, UCID-na wuu ahaa, oo UDUB baa meesha ka baxay,
Waddani baanu galay, oo xisbi noqday.”