Taliyaha Laanta Socdaalka oo Hortagey Guddida Amniga iyo Difaaca Golaha Guurtida Somaliland

0
Monday October 31, 2022 - 10:14:13 in News by Xaaji Faysal
  • Visits: 863
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Taliyaha Laanta Socdaalka oo Hortagey Guddida Amniga iyo Difaaca Golaha Guurtida Somaliland

    Geesta kale waxa ay guddidu ka wareysteen hawlgaladii

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Geesta kale waxa ay guddidu ka wareysteen hawlgaladii



Guddi hoosaadka amniga iyo difaaca Somalialnd ayaa golaha guurtida, maanta xarunta golaha ugu yeedhay taliyaha laanta socdaalka iyo jinsiyada ee Somaliland, sarreeya guuto MaxamedXuseen Faarax Xiirane.


 

Kulankan oo ahaa mid shaqo, ayaa guddida amniga iyo difaacada ee golaha guurtidu waxay ka xogwaraysteen hawlaha ciidanka laanta socdaalka iyo wax ka qabashada dadka soogalootiga ah ee dalka ku sugan, waxaanu sheegay in hadda hawshaasi meel fiican marayso.



 

Geesta kale waxa ay guddidu ka wareysteen hawlgaladii dadka soo galootiga ah dib loogu celinayay dalallka aynu jaarka iyo sidii qorshe midaysan looga yeelanlaha sidii aanay mar danbe dalka ugu soo noqon lahayn.


 

Taliye Xiirane waxa uu warbixin waafiya ka siiyay guddida hawlaha shaqo ee ay u hayaan, oo uu sheegay in ay sifiican u socdan, isla markaana hawlgaladii u danbeeyay ee ay dadka soo galootiga ah ee aan dalka u dhalan ay ku saarayeen, isaga oo intaas raaciyay in dadyow badan oo soogalooti ah ay dalalkoodii hooyo dib ugu celiyeen.


 

Gaba’gabadii waxa ay taliyaha iyo guddidu isla qaateen in laga wada shaqeeyo danaha isla markaana meel looga soo wada jeesto wax ka qabashada soogalootiga dalka sida xad dhaafka ah ugu soo qulqulaya waxaanu guddida ka codsaday inay kala shaqeeyaan sidii ka gole ahaan ay gacan uga siinlahaayeen xal u helista iyo wax ka qabashada dadka soo galootiga, waxaanu guddida uga mahadceliyay sida wanaagsan ee ay u qaabileen.

Loading...
Loading...