Ku: Dhammaan Maayiradda Dalka JSL
Dawladdaha Hoose ee
dalku waa maamulka ugu dhaw ee bulshadu soo dooratey uganna dhaw dawladda dhexe
waxaan kula talinayaa dawladdaha hoose ee dalka in ay ka shaqeysiiyaan
degmooyinkooda tusaale ahaan Hargeisa waxaa ay ka kooban tahay 9 Degmo, degmo
kasta xafiiska Arimaha Bulshada ee dawlada hoose waxaa uu diwaangelinayaa
danyarta, Agoomaha, dadka Dhimirka wax
ka qaba, iyo dadka baahiyaha Gaarka ah leh, Waxaa si fudud loo ogaan doona
dadka u baahan Caawimada ee Degmo kasta oo dalka ah ku nool, Xogtani waxaa
isticmaali doona Hayadaha Caalamiga iyo
kuwa Maxaliga ahba, Hayadaha Islaamiga ah iyo sidoo kale Dawladda dhexe.
Waxaa sidoo kale looga
faaideysan doona in sakadda la siiyo dadkaas baahan ee degmo kasta laga diwaan
geliyey.
Dhacdadan Hudda waxaa
ay ku tusinaysaa in dadku aan isku war hayn kaliya lagu baraarugaayo Qofkii
isaga oo nololi ka dhamaatey.
Taladan waxaan si toos
ah ugu gudbinayaa Maayiradda Dalka Jsl dhamaantood
Dayib Ibraahim
AFEEF:
Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!


0 





