Mucaaradka Brzil Oo Ku Guulaystay Doorashadii Dalkaasi Ka Dhacday
Madaxweynihii hore ee
dalka Brazil Luiz Inacio Lula da Silva ayaa ku guulaystay doorashadii
madaxtinimada ee ka dhacday dalka Brazil, waxana uu ka adkaaday madaxweynaha
haatan xilka haya ee Jair Bolsonaro.
Luiz Lula da Silva oo u
janjeedha siyaasadaha dhinaca bidixda, ayaa helay 50.9% codadka la tiriyey oo
gaadhaya 99%, halka madaxweyne Bolsonaro oo ka tirsan xisbiga midigta fog ayaa
isaguna helay 49.1% codadka la dhiibtay.
Doorashadan ka dhacday
dalka Brazil ayaa u ekayd, sidii afti laga qaadayo, labada aragtiyood ee ay
kala hoggaaminayaan labadan musharax, taas oo ah, nooca ay u ekaanayaan,
siyaasadaha mustaqbalka ee dalka Brazil. Madaxweynaha haatan xilka haya ee la
sheegay in doorashada lagaga adkaaday, ayaa intii uu sharaxnaa, wuxuu wacad ku
maray inuu dalka Brazil ka hirgelinayo siyaasado ad-adag, gaar ahaan, habka
loola tacaalayo loogana soo kabanayo xanuunka COVID19 ee dhimashada badan
keenay iyo weliba xaalufka baahsan ee ka jira kaymaha Amazon.
Madaxweynaha codadka ku
horreeya ee Lula da Silva ayaase isagu wuxuu ballanqaaday inuu xoogga saari
doono dhinaca arrimaha bulshada iyo deegaanka, isagoo codeeyayaasha xasuusiyey
ladnaanta dalka ka jirtay xilligii uu xukunka hayey ee sannadkii 2003, ka hor intii
aanay soo shaac bixin fadeexado la xidhiidha musuqmaasuq oo ka dhan ahaa
xisbigiisa.
Madaxweynaha haatan
xilka haya Bolsonaro, ayaa isaga oo aan soo bandhigin wax caddayn ah wuxuu
sheegay in nidaamka codbixintu uu u nugul yahay wax is daba marin, taasoo sare
u qaadaysa walaaca laga qabo inaanu aqbalin guuldarada, waxaana suura gala inuu
raaco jidkii saaxiibkiis Donald Trump, madaxweynihii hore ee Maraykanka.
VOA