Maamulaha Dugsiga Dayib Guray Oo Ka Hadlay Kaalinta Gudoomiyaha Xafiiska Imtixaanaadku Ugu Jiro Somaliland

0
Thursday June 13, 2019 - 06:16:33 in News by
  • Visits: 1707
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maamulaha Dugsiga Dayib Guray Oo Ka Hadlay Kaalinta Gudoomiyaha Xafiiska Imtixaanaadku Ugu Jiro Somaliland

    Maamulaha Dugsiga Dayib Guray Oo Ka Hadlay Kaalinta Gudoomiyaha Xafiiska Imtixaanaadku Ugu Jiro Somaliland

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Maamulaha Dugsiga Dayib Guray Oo Ka Hadlay Kaalinta Gudoomiyaha Xafiiska Imtixaanaadku Ugu Jiro Somaliland


Hargeysa(HWN):-Maamulaha dugsiga sare ee Dayib Guray ee magaalada Hargeysa Guuleed Goohe ayaa ka hadlay kaalinta uu waxbarashada dalka ugu jiro gudoomiyaha xafiiska imtixaanaadka qaranka Daa,uud Axmed Faarax.

Image result for daa,uud axmed faarax


Maamule Guuleed Goohe ayaa qoraal uu soo saaray waxa uu kaga waramay waxyaabaha muhiimka ah ee uu gudoomiye Daa,uud ka qabtay xafiiska imtixaanaadka oo uu mudo badan ka hawl galayey, waxaanu qoraalkiisu u dhignaa sidan.


Guddoomiyaha Xafiiska Imtixaannaadka qaranka Daa'uud Axmed Faarax waxa uu ku suntan yahay Horumarka dhinacyadda badan leh ee Wasaaradda Waxbarashadda, gaar ahaan Xafiiska Imtixaannaadka Qaran.


Guddoomiyaha Xafiiska Imtixaannaadka qaranka Daa’uud Axmed Faarax oo muddo aad u dheer joogay Xafiiska Imtixaannaadka qaranka, waxa uu sameeyay dedaal iyo horumar baaxad wayn leh, waxaannu Xafiiskaas ka soo qaadday meel aad u hoosaysa oo aannay haba-yarraatee aannay waxba jirin, maantaXafiiskaas bilicdiisa, shaqadda ka socota, Shaqaalaha khibradda badan ee jooga, sida wax u kala socdaan waa wax aannad malayn karayn. Runtii guddoomiye Daa’uud Axmed Faarax wuu mudan yahay in la sheego kaalinta.


Sidoo kale Waxaa uu Daahfuray Barnaamijyo Cusub oo Lagu Reebaayo Dhamaan Ardayda Soo Booda ,Si Loo Ilaaliyo Tayada iyo Aqoonta Dayarta Somaliland.


hawlkarnimada leh ee uu ugu jiro Wasaaradda Waxbarashadda Somaliland oo uu UDUB-dhexaad u yahay, waxaannu u qalmaa in bilad sharaf lagu abaalmariyo.


Guddoomiye Daa’uud Axmed Faarax waa guddoomiyihii ugu mudada dheerraa ee Xafiiska Imtixaannaadka qaranka soo mara, waanna Odayaashii aasaaska u ahaa Wasaaradda Waxbarashadda Somaliland. Runtii waxa uu ku suntan yahay bilowgii iyo Horumarkii hayaanka Waxbarashadda ee Somaliland ee maanta taabo-galay, waxaanna hubaal ah in taariikhdu xusi doonto kaalinta uu kaga jiro bahda Waxbarashadda Somaliland.


Xafiiska Imtixaanaadka Qaranka Somaliland wuxuu ku Guulaystay in Aan Marnabana Aanay ku imanin Xafiiska Mudadaa uu Joojay Daauud ,Wax Fashil iyo Dibudhactoonaih Habsami usocoshada hawlaha Xafiisku


Guiled Yusuf Idaan

Maamulaha Dugsiga Sare Ee Dayib Guray

Loading...
Loading...