Booliska Somaliland Oo Ka Hadlay Gabadh Baahisay Muuqaal Ay Ku Leedahay Waan Isdilayaa

0
Sunday October 30, 2022 - 20:01:41 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 1244
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Booliska Somaliland Oo Ka Hadlay Gabadh Baahisay Muuqaal Ay Ku Leedahay Waan Isdilayaa

    "Ciidanka booliska gaar ahaan saldhiga macalin haruun ayaa markiiba ka hawal galay"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Ciidanka booliska gaar ahaan saldhiga macalin haruun ayaa markiiba ka hawal galay"


Xafiiska war qabadka qabadka deg-dega ah ee Taliska Ciidanka Booliska JSL waxa goor dhayd soo gaadhay muuqaalo iyo sawiro muujinaaya gabdh sheegasa in ay is dilaso.

 

Gabadhan ayaa ku sugnayd markaa ay muuqalka baahinasay aaga xabaalihii hore ee buurta naaso haboold.

 

Ciidanka booliska gaar ahaan saldhiga macalin haruun ayaa markiiba ka hawal galay halkaasi loo tuhunsanaa, isla markaasina gaadhay goobta.

 

Taliska Ciidanka Booliska JSL waxa uu u bulshadii kala duwanayd ee xogta muqaaladaas iyo sawiradaasiba la soo wadaagay u sheegayaa in gobta markii ay gaadheen ka wayeen gabadhaasi balse ay ku hawalyihiin sidii ay u heli lahayeen una badbaadin lahayeen.

 

Waxaanu si gaara ugu mahad-nayanaa bulshada mar walba sida hagar la'aanta ah mar walba ula soo wadaaga Ciidanka Booliska xogaha kala duwan.

XAFIISKA WARBAAHINTA

CIIDANKA BOOLISKA JSL.


Loading...
Loading...