Kulan Lagaga Hadlayo Xumada Ku Habsatay Somaliland Oo Boorama Ka Dhacay

0
Sunday October 30, 2022 - 15:19:54 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 822
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Kulan Lagaga Hadlayo Xumada Ku Habsatay Somaliland Oo Boorama Ka Dhacay

    "Geesta kale waxa kulankaasi lagaga hadlay sidii la isaga kaashanlaha buufinta…"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Geesta kale waxa kulankaasi lagaga hadlay sidii la isaga kaashanlaha buufinta…"

 


Borama (HWN)  Isu’duwaha wasaaradda horumarinta caafimaadka ee gobolka Awdal Dr. Mustafe Xuseen Aadan (Maydhane), ayaa xafiiskiisa kulan kula qaatay madaxa waaxda gurmadka deg dega ah ee wasaaradda caafimaadka Dr. Cabdiraxmaan Cumar iyo la taliyaha dhinaca Caafimaadka guud ee wasaaradda Dr. Maxamed Geedi, kaas oo lagaga hadlayay sidii loo xoojinlahaa wacyigelinta ku saabsan ka hortaga xumada bulsho badan cisbitaalada jiifisay.

 

Geesta kale waxa kulankaasi lagaga hadlay sidii la isaga kaashanlaha buufinta goobaha biyo fadhiisinka ah ee kaneecadu ka dhalato iyo meelaha dhirta iyo daaqu ay ku badan yihiin, oo inta badan gabood u ah Kaneecada.

 

Wasaarada horumarinta Caafimaadka ee heer qaran iyo heer gobol ayaa muddooyinkii u dambeeyay waday kulamo iyo wacyigelino isdaba joog ah oo salka ku haya sidii loo xakamayn lahaa xaalada xumadda ee ka jirtay gobollada iyo dagmooyinka dalka.


Loading...
Loading...