Xaflad Iksu Bedeshay Murugo Ka Dib Markii 59 Qof Ay Geeriyoodeen
59 qof ayaa ku dhintay
isbuurasho ka dhacday xaflad ku saabsaneed caado dhaqameed laguna dhigayay goob
caan ah oo ku taalla caasimadda dalka Kuuriyada Koonfureed, sida ay saraakiishu
sheegeen.
Wakaalada wararka ee
Yonhap oo soo xiganeysa kooxaha gurmadka deg dega ah ayaa sheegtay in 150 kale
lagu dhaawacay degmada Itaewon ee magaalada Seoul.
Muuqaal goobta laga soo
duubay ayaa muujinaya meydka dadka oo yaalla waddooyinka, shaqaalaha gargaarka
degdegga ah ayaa sameynaya dadaallo xooggan oo dadka ay uga daad gureynayaan
goobta.
Sidoo kale waxay
samatabixiyaashu isku dayayaan soo badbaadinta dadka ku xaniban halka wax ka
dhaceen. Ilaa hadda ma cadda waxa sababay shilkan.Madaxweynaha Kuuriyada
Koonfureed Yoon Suk-yeol ayaa ku baaqay shir degdeg ah.
Farriimo baraha
bulshada la soo dhigay ayaa muujinaya dadka qaar oo hadal haya in ciriiri badan
ka jiray aagga shilku ka dhacay.Weriyaha BBC-da Hosu Lee, oo goobta booqday,
ayaa sheegay inuu arkay shaqaalaha gurmadka ah oo halkaa ka qaadaya meyd tiro
badan.
BBC