TAleefankii Gacanta Raysalwasaarihii Hore Ee UK Oo La Sheegay In La Jabsaday

0
Sunday October 30, 2022 - 09:24:17 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 1135
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    TAleefankii Gacanta Raysalwasaarihii Hore Ee UK Oo La Sheegay In La Jabsaday

    "Sidoo kale waxaa jira su'aalo amni oo halis ah oo ku xeeran"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Sidoo kale waxaa jira su'aalo amni oo halis ah oo ku xeeran"



Dowladda ayaa loogu baaqay inay furto baaritaan ku saabsan sheegashada ah in  ra'iisul wasaarihii hore ee UK Liz Truss taleefankeeda la jabsaday xilligii ay ahayd xoghayaha arrimaha dibadda.

 

Wargeyska The Mail ayaa qoray axaddii in fariimo gaar ah oo u dhexeeyay Ms Truss iyo saraakiil ajnabi ah, kuwaas qaarkood ku saabsanaayeen dagaalka Ukraine, ay ku dhaceen gacmo shisheeye.

 

Jabsiga ayaa la ogaaday intii lagu jiray ololihii hoggaanka Tory ee xagaaga laakiin warkii waa la xakameeyay, ayuu yidhiwargeysku.

 

Dawladdu waxay sheegtay in ay sameeyeen ilaalin "xoog leh" iyo iska difaacid khatareed oo kasta oo dhanka internetka ah.

Afhayeenku wuxuu intaas ku daray in dawladdu "aanay ka hadlin hab-dhaqanka amniga ee shakhsiyaadka".

 

Faahfaahinta ku saabsan jabsiga ayaa waxaa xakameeyay ra'iisul wasaarihii xilligaas Boris Johnson iyo xoghayihii golaha wasiirada Simon Case, wargeyska The Mail ayaa baahiyey warkan iyagoo soo xiganeya ilo u gaar ah iyaga.

 

Wargeysku waxa kale oo uu sheegay in fariimo gaar ah oo ay is dhaafsadeen Ms Truss iyo Kwasi Kwarteng, oo ah saaxiibkeed ay isku dhow yihiin oo ay wasiir ka dhigtay markii ay ra’iisal wasaare noqotay, uu sidoo kale kashifay jabsiga lagu eedeeyay.

Ma cadda sida ay wax u dhaceen, balse xisbiyada mucaaradka ayaa arrintan la aad u hadal haya.

 

"Sidoo kale waxaa jira su'aalo amni oo halis ah oo ku xeeran sababta iyo sida xogtan loo faafiyey ama hadda loo sii daayay taas oo ay tahay in si degdeg ah loo baaro." Ayuu yidhi xoghayaha arrimaha gudaha Yvette Cooper.

 

Wargeyska Mail on Sunday ayaa sheegay in wakiilo looga shakisan yahay inay u shaqeynayeen Ruushka ay mas’uul ka ahaayeen jabsigaan, isagoo soo xiganaya ilo aan la magacaabin, balse BBC-da ma uma suuragelin inay xaqiijiso arrintan.

 

Layla Moran oo ah afhayeenka xisbiga Libaraalka ee arrimaha dibadda ayaa walaac ka muujisay sababta jabsiga la sheegay aan horay loo shaacin.

 

"Waxaan u baahannahay baadhitaan madax-bannaan oo degdeg ah si aan runta u ogaanno," ayay tiri Ms Moran. "Haddii ay caddaato in macluumaadkan laga qariyey dadweynaha si loo ilaaliyo dalabka hoggaanka Liz Truss, taasi waxay noqonaysaa mid aan la cafin karin."

 

Dawladdu way diiday inay ka hadasho mid ka mid ah tafaasiisha uu qoray Mail on Sunday.

 

"Dowladdu waxay leedahay habab adag oo looga hortagayo khataraha internetka," ayuu yiri afhayeen u hadlay. "Taas waxaa ka mid ah warbixinnada amniga ee joogtada ah ee wasiirrada, iyo talo ku saabsan ilaalinta xogtooda gaarka ah iyo yareynta khataraha internetka."

 

BBC


Loading...
Loading...