Muuse Biixi, Xukuumadiisa Iyo Kaadiriinta Kulmiye Oo Isku Raacay In Go'doomin Siyaasadeed La Geliyo Afhayeen Buuni Iyo Sababta Keentay

0
Saturday October 29, 2022 - 23:21:44 in News by Abdi Good
  • Visits: 3854
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Muuse Biixi, Xukuumadiisa Iyo Kaadiriinta Kulmiye Oo Isku Raacay In Go'doomin Siyaasadeed La Geliyo Afhayeen Buuni Iyo Sababta Keentay

    Muuse Biixi, Xukuumadiisa Iyo Kaadiriinta Kulmiye Oo Isku Raacay In Go'doomin Siyaasadeed La Geliyo Afhayeen Buuni Iyo Sababta Keentay

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Muuse Biixi, Xukuumadiisa Iyo Kaadiriinta Kulmiye Oo Isku Raacay In Go'doomin Siyaasadeed La Geliyo Afhayeen Buuni Iyo Sababta Keentay
Muuse Biixi iyo kaadiriinta Kulmiye ayaa isku raacay in go’doomin siyaasadeed la galiyo afhayeenkii xisbiga Cabdinaasir Buuni.

Wararka ayaa sheegaya in go’aankani ka danbeeyey ka dib markii uu afhayeen Buuni ka dhex bilaabay masuuliyiinta Kulmiye iyo xukuumadaba dhaqan cusub oo uu iskugu basaasayo xubno kala duwan oo uu qaarkood codad ka duubay.


Ka dib markii uu Muuse Biixi magacaabay xoghahaya guud ee xisbiga Kulmiye ayaa la dhaqan geliyey qorshaha lagu go’doomiyey afhayeen Buuni oo habdhaqankiisu uu noqday mid aan laga jeclaysan xisbiga dhexdiisa iyo xukuumadaba.

Sida ay wararku sheegayaana wada hadal khadka Whatsapp-ka ku dhexmaray Cabdinaasir Buuni iyo agaasimaha wasaarada ganacsiga Cabdirashiid Ibraahin, afhayeenka Kulmiye ayaa masuul kale u diray hadaladii ay isdhaafsadeen agaasimaha taas oo keentay in agaasime Cabdirashiid uu dagaal gacanqaad ah ku fuliyey afhayeen Buuni oo ku sugan Maansoor Hotel Hargeysa, warka ayaana intaas ku daray in ficilkaas Buuni ku kacay iyo taageero Muuse Biixi siiyey agaasime Cabdirashiid ay sii xoojiyeen go’doominta Kulmiye iyo xukuumadiisu galiyeen afhayeenkooda ay dhaqan xumada la xidhiidhiyeen.


Sidoo kale afhayeen Buuni ayaa go’doomin kala kulmaya warbaahinta madaxa banaan oo xataa go’aansatay inaanay sawirkiisa isticmaalin, masuuliyiinta hay’addaha dawlada, shaqalaaha iyo xafiisyada Kulmiye ayaana dhamaantood laga soo caydhiyey afhayeen Buuni kaas oo ku danbeeyey Hudheelada magaalada Hargeysa oo uu gooni joog ku noqday.

Loading...
Loading...