Muuse Biixi Oo Ka Hadlay Dhawaaqyo ka Soo Yeedhay Xildhibaano Ka Tirsan Senate-ka Maraykanka

0
Saturday October 29, 2022 - 15:40:01 in News by Abdi Good
  • Visits: 3713
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 0
  • Share via Social Media

    Muuse Biixi Oo Ka Hadlay Dhawaaqyo ka Soo Yeedhay Xildhibaano Ka Tirsan Senate-ka Maraykanka

    Muuse Biixi Oo Ka Hadlay Dhawaaqyo ka Soo Yeedhay Xildhibaano Ka Tirsan Senate-ka Maraykanka

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Muuse Biixi Oo Ka Hadlay Dhawaaqyo ka Soo Yeedhay Xildhibaano Ka Tirsan Senate-ka Maraykanka
 Muuse Biixi Cabdi ayaa bogaadiyey guddiga Arrimaha dibada ee Senate ka Maraykanka oo ka hadlay xidhiidhka Somaliland iyo Taiwan.
May be an image of 5 people


Guddiga Arrimaha dibad ee Senate ka Maraykanka ayaa sheegay inay ku kalsoon yihiin inay qaarada Afrika ka helaan saaxiibo taageeraya qaddiyada Taiwan, kuwaasi oo ay ka mid tahay Jamhuuriyadda Somaliland oo xidhiidh wanaagsan la samaysatay dalka Taiwan. Guddiga Arrimaha dibadu wuxa uu sheegay in aqoonsiga bulshada Caalamka ee dalka Taiwan uu korayo taasi oo ay jiraan dhibaatoyin kaga imanaya dhinaca Shiinaha.

Dhinaca kale, Madaxwaynaha JSL Md Muuse Biixi Cabdi ayaa hambalyo u diray guddiga Arrimaha dibada ee Senate ka Maraykanka, waxaanu ku tilmaamay xidhiidhka Maraykanka iyo JSL mid sii kordhaya, waxaanu sheegay in Somaliland dhaqaale ahaan iyo tignoolajiyad ahaanba uga faa’idaysatay dalka Taiwan, waxaanu Madaxwaynuhu bogaadiyey sida wanaagsan ee ay u qiimayso dimlomaasiyada iyo dimuqraadiyada.

Madxwaynaha JSL Md Muuse Biixi Cabdi ayaa si gaar ah ugu mahad naqay guddoomiyaha guddiga Arrimaha dibad ee Senate ka Maraykanka Mr Risch isagoo sheegay inuu gacan wayn ka gaystay arrimaha aqoonsiga iyo xidhiidhka dalka Maraykanka iyo Jamhuuriyadda Somaliland.


May be an image of 1 person and text that says 'Senate Foreign Relations Committe... @SenateForeign The U.S. is grateful to have friends in Africa like #Somaliland who support #Taiwan. Recognition of Taiwanese partnership from the international community will only continue to grow ir the face of a dangerous and malign #China.'

Loading...
Loading...