Xildhibaan Laga Soo Doortay Gobolka Awdal Oo Ka Hadlay Qodobada Ka Soo Baxay Shirkii Garxajis

0
Saturday October 29, 2022 - 15:01:25 in News by Abdi Good
  • Visits: 1607
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xildhibaan Laga Soo Doortay Gobolka Awdal Oo Ka Hadlay Qodobada Ka Soo Baxay Shirkii Garxajis

    Xildhibaan Laga Soo Doortay Gobolka Awdal Oo Ka Hadlay Qodobada Ka Soo Baxay Shirkii Garxajis

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xildhibaan Laga Soo Doortay Gobolka Awdal Oo Ka Hadlay Qodobada Ka Soo Baxay Shirkii Garxajis
May be an image of 1 person and text

xildhibaan Mukhtaar Maydhane oo ka tirsan golaha wakiilada somaliland ayaa ka hadlay shirkii beelaha Garxajis uga qabsoomay magaalada Burco.


xildhibaan Mukhtaar Maydhane oo laga soo doortay gobolka Awdal ayaana warbixintan ka soo saaray shirkaasi.

Waan soo dhawaynayaa Shirka Dal-Wanaaje ee maanta la soo afmeeray. Waxaan ka xumahay in ilaa hadda weli aynaan xallin khilaafkii ka aloosnaa doorashooyinka. Waxaan rajaynayaa in lagu soo afmeero khilaafkaas sida ugu degdeg badan.

Intan hoose waxay ka shidaal qaadanaysaa qormo aanan weli baahin:

Umuuraha yaabka leh ee ku kulmay Burco maalmahan waxay ahaayeen shirka Dal-Wanaaje, oo beel ka mid ah beelaha Soomaalilaan ay kaga arrinsanaysay arrimaha dalka ka taagan, iyo geedi-socodkii ururada siyaasadda oo maraya gobolkii afraad, Togdheer, ee laga sameeyo kormeer iyo madaxtirinta ururada. Labo is-diidanna ma aha umuurahaniye, waa laba dhinac oo Soomaalilaan leedahay. Dhinac waa bulsho ku dhisan beelo, oo u baahan in sidaa lagu dhawro. Dhan kalena, waa qofaf, xuquuqo gaar u kala ah kala leh. Labadabana, waa xuquuq qofeed iyo tu beeleedba, waxay u baahan yihiin in loo dhawro reer Soomaalilaan. Waxana lagu dhawri karaa waa nidaam isku-dheelitiran oo kala sooran isla markaana xakame isku ah.

Inta cid waliba tebaysaa waa intaa. Shirkan oo kale iyo siyaabo kaleba way uga soo kala baxday beelaha Soomaalilaan. Ururadan oo kale iyo siyaasiyiintaba hore waa looga arkay inay tebayaan furidda saaxadaha siyaasiga ah. Labadan xuquuqoodba waxay ka mid yihiin inaha had iyo jeer lagu dhigto xeerka koowaad ee aasaas u noqda dalka, waa Dastuurka’e. Sidoo kalena, wuxuu dhigaa waxa awoodaa lagu ururinayo inta igman lagaga dabrayo inay ku takri falaan.

 Qodobada Dastuurka ee intani ku saabsani waa inay u jideeyaan si waafaqsan waayaha bulshadaas iyo goobta iyo goorta la noolyahay. Waa halka dib-u-eegista u baahan.

Soo xooriyoo, waxa la odhan karaa malaha Burco, mar kale, waa halka ay Soomaalilaan ku kulmayso ee ay tahay inay isula eegto dib-u-curashada qarannimo iyo umadnimo kaga wanaagsan waxa aan maanta hayno dhinacyada sugidda nabadgelyada, horumarka, cadaaladda, yuhuunta iyo kalsoonida dadka iyo hay’adaha Soomaalilaan. Hawsha weyn ee taalna waa Dastuurka oo la waafajiyo si uu gundhig ugu noqdo waxa aan hagaajiya isleenahay"

W/Q: Xildhibaan Mukhtaar Maydhane.

Loading...
Loading...