Doorka Ay Warshaduhu Ka Qaataan Koboca Dhaqaale Ee Dalalka.
Wershadaha oo kamid ah
kaabayaasha dhaliya horumarka bulsho kuwooda ugu muhiimsan, ayey dunidu
garwaaqsatay qarnigii 17aad, iyadoo ka hor aadanaha noloshiisu si weyn ugu tiirsanayd; beerashada beeraha iyo
dhaqashada xoolaha taasoo ay dadku gacmahooda u adeegsan jireen soo saarista
cunada, dharka iyo alaabaha la isticmaalo intaba.
Sanadihii 1700-1800,
dalalka qaarada yurub waxaa ka hana qaadey kacaankii warshadaha ( industrial
revolution) oo ugu horayntii ka
bilaabmey dalka boqortooyada ingiriiska. Intaasi ka dib waxa dunida si weyn ugu
faafey warshadeynta, waxaa la sameeyey warshado: dhar, bir, dalagyada iyo
wershadaha sibidhka waxaaney warshaduhu
door ka qaateen koboca dhaqaale iyo horumar ee bulshooyinka aduunka, oo ay
qaarada Africana ka mid tahay.
Guud ahaan waxa ay
warshaduhu kor u qaadaan dhismaha dal, waaxaney door muhiim ah ka qaataan
shaqaaleysiinta, xidhiidhka wax soosaar dhoofintiisa. Sido kale waxaa laga
dhaxlaa faa'idooyin lagu hodmo marka si togan loogu hawl galo khayraadka
dabiiciga ah.
Marka laga yimaado
dunida iyo sida uu ugu faafay qaybaha kala duwan ee warshadeyntu, bal aynu u
nimaadno dalkii laysku odhan jorey Somalia wakhtigii ay xukunka haysay dowladii
milateri ee Siyaad Barre. Waxa laga hirgaliyey warshado wax soo saar oo ay ka mid
ahayeen: Warshadii Dharka ee Baalcad, Warshadii Hilibka ee Kismaayo, Warshadii
Sonkorta ee Jawhar iyo Warshadii Caanaha ee Xamar. Goboladii waqooyi ee wagaas
oo hada ah Dalka madaxa banaan ee Jamhuuriyada Soomaliland, waxaa ka mid
ahaaWarshadihii laga dhisay; Warshadii
kaluunka ee ku taalay Laas-qorey iyo Warshadii Sibidhka ee Berbera, waxaa jirey
warshado kale oo laga hirgeliyey
goboladan, balse tan ugu weyn ayaa ahayd Warshada Sibidhka soo saari jirtay
ee magaalada Berbera dadkuna ay u
yaqaanaan Shamiitada Berbera.
Shamiitada Berbera waxa
ay ku talaa Magaalo Xeebeeda Berbera ee gobolka Saaxil oo ka mid ah
magaalooyinka ugu qaadiimisan dhulka Soomaalida oo leh taariikh soo jirtay mudo
dheer.
Buuraha ku teedsan
magaalo madaxda Berbera agagaarkeeda ayaa waxaa ka buuxa khayraadka noocyadiisa
kala duwan ee laga samayn karo sibidhka, rinjiga iyo waxsoosaaro kale oo
bulshadu munaafacaad sato.
Marka aynu u nimaadno
Warshada sibidhka ee magaalada Berbera ayaa hada ah mid fadhiid ah oo aan
shaqayn.
Berbera sanadkii 1974kii waxaa laga bilaabay dhismaha
warshada shibidhka oo ay hindisaheeda lahayd Dowladii milatery ee Maxamed
Siyaad Barre. Bilowgii dhismaha warshada waxaa gacanta loo geliyey dowlada
kuuriyada waqooyi, waxa uu dhismaheedu
si rasmi ah u hirgaley sanadkii 1978kii, mudo uu socdey dhismaha warshada
sibadhka ee magaalada Berbera ayaa waxa ay soo saartay kiishkii ugu horeeyey ee
sibidh ah sanadkii 1987kii.
Hadaba dagaaladii kala
duwanaa ee ka dhacay dalka dhexdiisa ayaa waxa ay sababeen in burbur laxaadle
ku yimaado warshadan shibidhka, taas oo hor istaagtay waxsoosaarkii warshada.
Hamza Bulshaawi
AFEEF:
Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!


0 





