Doorka Ay Warshaduhu Ka Qaataan Koboca Dhaqaale Ee Dalalka.

0
Saturday October 29, 2022 - 14:26:35 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 942
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Doorka Ay Warshaduhu Ka Qaataan Koboca Dhaqaale Ee Dalalka.

    W/Q: Hamza Bulshaawi

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

W/Q: Hamza Bulshaawi



 

Wershadaha oo kamid ah kaabayaasha dhaliya horumarka bulsho kuwooda ugu muhiimsan, ayey dunidu garwaaqsatay qarnigii 17aad, iyadoo ka hor aadanaha noloshiisu si weyn ugu tiirsanayd; beerashada beeraha iyo dhaqashada xoolaha taasoo ay dadku gacmahooda u adeegsan jireen soo saarista cunada, dharka iyo alaabaha la isticmaalo intaba.

 

Sanadihii 1700-1800, dalalka qaarada yurub waxaa ka hana qaadey kacaankii warshadaha ( industrial revolution) oo ugu  horayntii ka bilaabmey dalka boqortooyada ingiriiska. Intaasi ka dib waxa dunida si weyn ugu faafey warshadeynta, waxaa la sameeyey warshado: dhar, bir, dalagyada iyo wershadaha sibidhka  waxaaney warshaduhu door ka qaateen koboca dhaqaale iyo horumar ee bulshooyinka aduunka, oo ay qaarada Africana ka mid tahay.

 

Guud ahaan waxa ay warshaduhu kor u qaadaan dhismaha dal, waaxaney door muhiim ah ka qaataan shaqaaleysiinta, xidhiidhka wax soosaar dhoofintiisa. Sido kale waxaa laga dhaxlaa faa'idooyin lagu hodmo marka si togan loogu hawl galo khayraadka dabiiciga ah.

 

Marka laga yimaado dunida iyo sida uu ugu faafay qaybaha kala duwan ee warshadeyntu, bal aynu u nimaadno dalkii laysku odhan jorey Somalia wakhtigii ay xukunka haysay dowladii milateri ee Siyaad Barre. Waxa laga hirgaliyey warshado wax soo saar oo ay ka mid ahayeen: Warshadii Dharka ee Baalcad, Warshadii Hilibka ee Kismaayo, Warshadii Sonkorta ee Jawhar iyo Warshadii Caanaha ee Xamar. Goboladii waqooyi ee wagaas oo hada ah Dalka madaxa banaan ee Jamhuuriyada Soomaliland, waxaa ka mid ahaaWarshadihii laga dhisay;  Warshadii kaluunka ee ku taalay Laas-qorey iyo Warshadii Sibidhka ee Berbera, waxaa jirey warshado  kale oo laga hirgeliyey goboladan, balse tan ugu weyn ayaa ahayd Warshada Sibidhka soo saari jirtay ee  magaalada Berbera dadkuna ay u yaqaanaan Shamiitada Berbera.

 

Shamiitada Berbera waxa ay ku talaa Magaalo Xeebeeda Berbera ee gobolka Saaxil oo ka mid ah magaalooyinka ugu qaadiimisan dhulka Soomaalida oo leh taariikh soo jirtay mudo dheer.

 

Buuraha ku teedsan magaalo madaxda Berbera agagaarkeeda ayaa waxaa ka buuxa khayraadka noocyadiisa kala duwan ee laga samayn karo sibidhka, rinjiga iyo waxsoosaaro kale oo bulshadu munaafacaad sato.

 

Marka aynu u nimaadno Warshada sibidhka ee magaalada Berbera ayaa hada ah mid fadhiid ah oo aan shaqayn.

 

Berbera  sanadkii 1974kii waxaa laga bilaabay dhismaha warshada shibidhka oo ay hindisaheeda lahayd Dowladii milatery ee Maxamed Siyaad Barre. Bilowgii dhismaha warshada waxaa gacanta loo geliyey dowlada kuuriyada waqooyi,  waxa uu dhismaheedu si rasmi ah u hirgaley sanadkii 1978kii, mudo uu socdey dhismaha warshada sibadhka ee magaalada Berbera ayaa waxa ay soo saartay kiishkii ugu horeeyey ee sibidh ah sanadkii 1987kii.

 

Hadaba dagaaladii kala duwanaa ee ka dhacay dalka dhexdiisa ayaa waxa ay sababeen in burbur laxaadle ku yimaado warshadan shibidhka, taas oo hor istaagtay waxsoosaarkii warshada.

 

Hamza Bulshaawi


AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...