Somaliland & Jabuuti Oo Ka Wada Xaajoonaya Dhamystirka Jidka Isku Xidhi Doona Labada Dal.

0
Saturday October 29, 2022 - 14:23:58 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 1348
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Somaliland & Jabuuti Oo Ka Wada Xaajoonaya Dhamystirka Jidka Isku Xidhi Doona Labada Dal.

    "Kulanka ayaa ujeedadiisu ahayd gebogabaynta qiimayntii u dambaysay"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Kulanka ayaa ujeedadiisu ahayd gebogabaynta qiimayntii u dambaysay"



Hargaysa (HWN) Somaliland iyo Jabuuti ayaa ka wada hadlay dhismaha wadada Lawyacado-Fardaha-Borama, taasi oo uu kharashkeeda bixinayo Baanka Horumarinta Africa.

 

Qoraalka ka soo baxay kulanka oo ka dhacay xuduudka ay wadaagaan labada wadan ayuu uqornaa sidan:-

 

"Maareeyaha Wakaaladda Horumarinta Wadooyinka Eng Mawliid Nuux Ibraahim Taani ayaa maanta kulan kula yeeshay Magaalo Xudeedka Lawyacado  Wakaaladda Wadooyinka Horumarinta Dalka Djibouti.

 

Kulanka ayaa ujeedadiisu ahayd gebogabaynta  qiimayntii u dambaysay Masharuuca  Baanku la wado Wakaaladda ee  ah Daraasada Wadada Lawyacado-Fardaha-Borame.

 

Kulanka ayaa waxa ka qaybgalay Madax ka socota Wakalaadaha labada dal, Baanka Horumarinta Africa ee  wada maalgelinta daraasada iyo diyaarinta bilawga Mashruucan, labada shirkadood ee kala wada Labadaba daraasadood ee wadooyinka lawyacdo-Fardaha-Borame iyo Djibouti-Negad SABA iyo TAEP iyo Badhasaabka Gobolka Salel.

 

Qorshaha labada Wakaaladood ayaa ahaa in la dedejiyo bilawga dhismaha Wadadan oo labada Dal u ahmiyada ugu wayn." Sidaasna waxa lagu sheegay qoraal ka soo baxay  Xafiiska Waaxda Xidhiidhka iyo Tiknaloojiyada RDA.


Loading...
Loading...