Maxaa Ka Dhalan Kara Haddii Ay Fuli Waayaan Qodobadii Shirka Garxajis?
Qodobadii kasoo baxay
shirkii Beesha Garxajis ee khamiistii kusoo xidhmay magaalada Burco ayaa
lagasoo saray 7 qodob oo salka ku haya muranka siyaasadeed ee dalka ka jira.
Nuxurka qodobadan oo
ahaa in Beeshu aanay ogalayn muddo kordhinta guurtidu u samaysay Madaxwaynaha,
isla markana aanay aqbalayn doorasho ka dhacda deegannadooda, hadii laga noqon waayo muddo kordhinta labada sanno
ah ee Madaxwaynaha loo sameeyay, lana qaaan waayo soo jeedintii gudiga
doorashooyinka ee ahayd in 9 bilood gudahood lagu qabanaayo doorashada
Maxtooyada.
Go’aankan ayaa waxaa ka
dhashay Dareeno kala duwan kuwaas oo bulshadu is waydiinaayo in ay wax ka
badali doonaan muddo kordhintii guurtida iyo aragtida siyaasadeed ee Xukumadda
Biixi.
Fulitaanka qodobada
kasoo baxay shirka Dal-wanaaje ayaa waxaa ku xeeran tuhuno kala duwan kuwaas
kala ah mid sharci iyo mid yisaasadeed.
Ta sharcigaa ayaa ah in
dastuuri ay tahay muddo kordhintu, horena aanay u dhicin mid laga laabay,
waxaanay u muuqataa in sidaa ay ku dhaqan gashay, balse waxa la is waydiinayaa
in uu wax ka badi doono go’aanka Beesha G36.
DHinaca kale arinta
siyaasadeed ee ku gadaaman qodobadan shirka kasoo baxay ayaa ah go’aanka
Madaxwaynahaee ku aadan qabsoomida
doorashooyinka oo ilaa hada aanay ka muuqan wax tanaasul ah, kuna doodaya inuu
ku taaqan yahay dariiq sharci ah, lana qaban doona doorashadii ururada
Siyaasada oo kasoo horaysa ta madaxtooyada, sida uu Madaxwaynuhu ku celiyay
markale malintii Khamiista.
Arinta ugu xasaasi ayaa
ah in beeshu ay sheegtay in aan deegaanadeeda ka qabsoomayn doorashada
ururradu, taas oo marka la gaadho wakhtigeeda la gayn doono deegaaadeeda
sannaaduuqda codaynta, iyadoo xukumadu adeegsanayso awooda ciidanka, waxaana
suura gal ah in halkaasi uu ka yimaado isku dhac, maadama oo Beeshu aanay
ogalayn in deegaannadeeda ay doorasho ka dhacdo, hadii aan la helin heshiis
siyaasadeed oo ay isku waafaqsan yihin labada dhinac.
Si kastaba ha ahaatee
xaladdan ka dhalatay go’aamada kasoo baxay shirkii Dalwanaaje ee Garxajis iyo
Khilaafka taagan ee doorashooyin, ayaa loo baahan yahay in xal laga gaadho ka
hor muddo xileedka Madaxwaynaha, iyada oo laga duulayo in aanay wax dhibaato
ahi dhici, taasna waxa looga fadhiyaa madaxda dawladda iyo beeshan qo'aamada
soo saartay, in ay ku dhameeyaan is afgaradkii ay somliland kuso cano maashay.
Ahmed-nuur Samraawi