Gudida Diiwaangelinta Ururada Oo Xeerjabin Lagu Eedeeyay

0
Saturday October 29, 2022 - 13:14:13 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 1008
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Gudida Diiwaangelinta Ururada Oo Xeerjabin Lagu Eedeeyay

    guddidana waxaan usoo jeedinayaa inay xeerka kusoo dabaalaan si cadaalada loogu dhawaado.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

guddidana waxaan usoo jeedinayaa inay xeerka kusoo dabaalaan si cadaalada loogu dhawaado.


 

Hargaysa (HWN) Garyaqaan. Yuusuf Biixi ayaa sheegay in gudida diiwaangelinta ururada siyaasada Somaliland aanay ahany inay hawsha ku maamulaan caqligooda, garyaqaanka oo ka hadlaya habraac ay soo saartay gudida diiwaangelinta ururada oo baal marsan xeer uusoo saarya Baarlamaanka Somaliland ayaa yidhi:-

 

Waxkasta Oo Uu Xeer Sicad u qeexayo, in Caqli lagu maamulo oo aan loo habraacin sharcigu waxa uu dhigayo, Waxa ka dhasha uun sharci daro,



Hadii maanta ay guddidu diwaangalintu ku maamusho caqligooda iyo rabitaankooda hanaanka madaxtaabashada, oo ay Lixda gobol gobolna ka dhigaan 1000 qof, gobolna ka dhigaan 400 oo qof sida ku xusan qoraalkan ay soo saareen  oo aan Waafaqsanayn Qodobka.5aad Farqadiisa 3aad Xubintiisa (t) Ee Xeer Lr.14.2011, Xeerka diwaangalinta ururada siyaasada iyo asxaabta Qaranka JSL, Su,aasha Muhiimka ah Ee iswaydiinta lehi Waxay Tahay.

 

Maxaa u diidaya guddidu Inay Barina Caqligooda iyo Rabitaankooda ay ku kala reeban Ururada, Oo ay Qodobada sharci iyo Xeerarkaba ay ka maarmaan?

Ururada Maanta Sidaas Ku Qanacsan Ee Xuquuqdooda Sharci daawadayaasha ka ah, Bari Waxaynu Arki doonaa, iyagoo ka qaylinaya, khaladkan maanta maxsuulkiisa danbe oo ka cabanaya, Ileen Hal Xaaran ahi Nirig Xalaal ah Ma Dhashee!!!!!

 

Caqlan Washarcan Marwalba Waxaan Taaganahay Inta Xeerarka yar yar ee aynu haysano ay wax inoo Sheegayaan inaynu dabaqno, guddidana waxaan usoo jeedinayaa inay xeerka kusoo dabaalaan si cadaalada loogu dhawaado.


No description available.

Garyaqaan. Yuusuf biixi.


Loading...
Loading...