Raysal Wasaarihii Hore Ee Algeria Oo Maxkamada Sare Ka Soo Muuqday Iyo Xubno Kale Oo Lagu Daba Jiro

0
Thursday June 13, 2019 - 05:51:15 in News by
  • Visits: 1430
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Raysal Wasaarihii Hore Ee Algeria Oo Maxkamada Sare Ka Soo Muuqday Iyo Xubno Kale Oo Lagu Daba Jiro

    Raysal Wasaarihii Hore Ee Algeria Oo Maxkamada Sare Ka Soo Muuqday Iyo Xubno Kale Oo Lagu Daba Jiro

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Raysal Wasaarihii Hore Ee Algeria Oo Maxkamada Sare Ka Soo Muuqday Iyo Xubno Kale Oo Lagu Daba Jiro


Algeria(HWN/Agency):-Raysal wasaarihii hore ee dalka Algeria Ahmed Ouyaia ayaa wajahaya maxkamada sare ee dalkiisa.

Image result for Ahmed Ouyahia


Raysal wasaarihii hore ee Algeria oo lagu sameeyey baadhis adag oo ku saabsan musuq maasuq uu sameeyey mudadii uu talada hayey ayaa haatan ka soo muuqday maxkamada sare ee dalkaasi.


Raysal wasaare Ahmed Ouyahia oo hogaaminayey xukuumadii ka hoos shaqaynaysay madaxweyne Abdelaziz Bouteflika ayaa lagu khasbay inuu is casilo ka dib mudaharaado todobaado ka socday dalka Algeria.


Baadhayaasha musuq maasuqa ee dalka Algeria ayaa bartilmaameedsanayey masuuliyiintii sarsare ee dawladii raysal wasaare Ahmed iyo madaxweyne Bouteflika kuwaas oo lala xidhiidhinayo inay gaysteen falal musuq maasuq mudadii ay xilalka hayeen.


Sidoo kale baadhayaasha musuq maasuqa ee dalka Algeria ayaa ku daba jira ganacsato u dhalatay dalkaasi kuwaas oo mudo gaadhaysa labaatan sanadood xidhiidh dhaw lalahaa madaxweynihii hore.

Loading...
Loading...