Wasiir Maxamed Midbaan leeyahay, Madaxweyne Muuse Midbaan leeyahay, Reer Gebilay-na Midbaan leeyahay.
Reer Gebilay Midbaan leeyahay.
Qormo Qoraalkani waa qaybtii Ood-rogada u ahayd faalo qoraal ah Dhacdadii
11-08-2022 ka dhacday Jamhuuriyada Barakaysan iyo arimihii ka dhashay kuna
gaddaamnaa dhacdadaa, Qormadana Waa mid aan Reer Gabilay leeyahay, oo Waliba
waa mid aan leeyahay si Mudnaan, Sharaf, Xishmad, Xaqdhowr iyo Walaaltinimo ay
ku dheehan tahay iyo Ummad qoys ah oo
isku-Diir, isku-Midab, lsku-Dhiig
isku-Dhaqan ah iyo Dhoobo meel laga wada
qaaday ay u wada tiraabaan aan u leeyahay, oo ay weliba dheeri nootahay Ummad
ah Af Wadaag, Dhaqan Wadaag, Hido Wadaag, Dal Wadaag, Dawlad Wadaag, Deegaan
Wadaag, Duunyo Wadaag, Dallag Wadaag, Taariikh Wadaag, Ab Wadaag, Isir Wadaag,
Dhiig Wadaag, Dhalad Wadaag, Ehel Wadaag, Diin Wadaag, Aduun Wadaag iyo Aayo
Wadaag, Aakhirana illaahay haynaga yeelo Jano Wadaag.
Gabilay ama Gebilay ama Gibilay
waa Degel Sooyaalka taariikhdeena qadiimka ah ee inoo Dhitaysan, ee inoo Qoran!
baal dahab ah kaga xusan, waa Degel Huwan Magac aad iyo aad u facweyn oo in 10,000 hada Toban KUN oo sano in kor
udhaafaysa leh, waa Degel xurmo iyo karaamo ku leh dhulkeena Hooyo, waa deegaan
ka mid ah degelkii Aadamuhu ka billaabay waxsoosaarka iyo Tacabka Beeraha
Fatahaadii qarqisay Aduunka Xiligii Nabigeenii NUUX NNKH, wixii ka danbeeyey,
waa degel ku jira deegaamadeenii qadiimiga ahaa ee weli Magacyadoodii qadiimiga
ahaa noolyihiin, halka Boqortooyadeenii iyo Magacii Qoomiyadeena laga hillin
baydhay ee Soomaali lahuwaday Illaahay haynaga soo Haddeeyee!.
Hadaba waxa jira in sooyaalka
Hidaheena inoo dhaqan-galay ee Duuga ah iyo Diinteena suuban inay ka siman
yihiin arrimo badan Ha u mudnaato Xaq-dhowrka Haweenka iyo Xurmaynta
Dumarnimada, waayo sida diinteenu suubani dhigayso Afarta Mudnaan ee xaqa
waalidku leeyahay, Saddexda hore Hooyo ayaa leh, halka marka Afaraad Aabaha
eebe gudoonsiiyey ama u gaar yeelay, Markaa waxa haboon in laysla meel dhigo oo
laysla Af garto in Hooyo tahay haween oo idil, waayo inan ama gabadh waa Hooyo
u joog, sidaa aawadeed mudnaanta Haween leeyahay xaawalayda waa mid u wada
dihin oo guud ahaan ay u wada leeyihiin, oo ay ku maamuusan yihiin oo lagu wada
Qadariyo oo lagu Xushmeeyo laguna Xaqdhowro.
Sida diinteena Quman dhigayso waxa
inoo Qotoma Shan Tiir oo diinteena u dhidban oo Darruuri ah, oo aynu ku
amrannahay inaynu fulino waxay ina farayaan, Tiirka Shanaad ee Xajka ee aynu
farranahay inaynu fulino hadii aynu awoodi karno, gudashada Tiirkaa Xajka Ruuxa
Dumarka ah waxa ay u gudataa xajka oo ay u dawaaftaa iyada oo sida Dadka
madaxda ah ee darajada aduunka leh loo garab galo ama loo garab socdo ee
illaaladu u agsocdaan ee ay u galbiyaan oo kale!, ayaa Dumarka Xajka loo
Galbiyaa! iyaga oo waajibkii Alle faray ee xajka gudanaaya, Maxaa yeeley Ruuxa
Dumarka ahi waa ruux mihiim ah oo illaahay sheegay in ay darajo leedahay Maxaa
yeelay waa Dumar kuwa aduunka Camiray ee dhalay waxa Aadame guud jooga, sidaa
aawadeed way mudan yihiin darajada ay leeyihiin waanay mudan yihiin in la
galbiyo oo la garab-socdo markastaba, inaka waxa inoo Dhaqan ah in dumarku
yihiin Geed aan la garaacin oo aan lagown Maxaa yeeley Dumarku waa
Bir-ma-Gaydo!, hadii collaad iyo dirir iyo Dagaal xumi dhaco Dumarka lama
taabto, waxa ay ku tusaysaa sida ay mudnaanta u leeyihiin Illaahay
gudoonsiiyey, Waagii Boqortooyadeenii aynu halaynay inoo dihnayd Mudnaan iyo
Sharaf loo hayey Dumarka, maynu Ab-tirsan jirin ee waynu Hooyo ama Habar-Tirsan
jirnay!, Taasna waxa aynu wali kasii dheehan karnaa, sida Magacyada Guud ee
qabiiladeena siday Hooyo/Habar ugu aroorayaan ilaa kuwa dhexe ilaa BAH-da
hoose, hadaba Gobolka Gabilay waxa uu ku jiraa Goobaha weli ay kusii Dihintahay
maamuuska haween leeyihiin sida loo hibeeyo ee loo sharfo, waayo waa degelka
kaliya ee arooska iyo dadab-galka qoys u dhidba ee u qotomiya ee u beera Geed,
waayo haween waa damal lahadhsado oo la Hoos' galo iyo hadhac Wayn oo lagusoo hirto Illaahay ha inoo
xafido haweenkeena qaaliga ah, reer
Gebilay iyagu waa gob iyo xaalkeede waa dad iyo Degel lagu soo hirto oo lasoo
haybsado oo lagusoo hoydo oo lala dego oo aan lagu qaloon, sidoo kale deegaamada qoomiyadeena Gabilay
waa Degel ka tilmaaman waayo waa Degel lammaanaha is calmadaa dadab-galkooda
abuura ama beera geed Jacayl oo ay ugu xadhig-xidhaan qoyskay yagleeleen oo
ubadkooda ubadkiisa iyo tafiirtoodu ku maamuusnaadaan deegaankuna uga aayo, oo
ay kusoo kordhiyaan dhirrayn, hadheyn iyo bacaad-celin ama carro-qabad,
sikastaba ha ahaatee Waxa aynu nahay Qoomiyad facweyn oo Soo jireen ah oo aan
weligood Caado u lahayn in Cid ay xidhaan, saldhigyo maynu lahaan jirin,
jeellal wax lagu xidhana warkood daa!, Waagii isticmaarku yimi ayaa laga
hirgeliyey meel wax lagu xidho taas oo ahayd meel raga lagu xidho, intii ka
horaysay isticmaarku waxa uu Dadka u qaadi jiray jasiiradaha Soqotara iyo
Siyshelles ee kuyaala badweynta indiya, sikastaba ha ahaatee Reer Gebilay
Waxaan leeyahay Dhaqan keena Duuga ah wax ka Caagan ayey ahayd in Cid la xidho
se Qofka dhaqan xumo la yimaada waa la Dayrin jiray oo dib looma sheegan jirrin qofkaa la Dayriyey
dacayda labada dhagood ayaa loo jeexi jiray si Dadku u gartaan inuu dayro
yahay!, yaalaa qofkaasi wuxuu noqon jiray Soomaali!, waxa se hada ugub inagu ah
Jeel Haweeneedka ama Jeel Dumarka!, waana wax aad iyo aad looga xumaado in
haweenkeenii qaaliga ahaa ee dhaqan keenu dhigaayey in aan lala jaafaajirqin ee
lala caytamin ee lala murmin in hada iskadaa wax kaloo Iskusoo bax ayey ka qayb
galeen lagu xidho oo waliba dumarkii tiirka xajka ku gudanaayey iyaga oo
'Muxaram' ama ma-gayaan koodu isaga oo garab socda gudanaayey wajibkaa Illaahay
ayaa iminka si Diinta iyo Dhaqanka ka baxsan loo tarxiilayaa Haweenkii,
dowladii Kacaanka shuuciga ahaa raga waxa uu doono ayuu ka yeeli jiray Dil iyo
xadhig se Xaawalaydu Bir-magaydo Jeel ma-gayaan ayey u ahayd se maanta ta ka
dhacaysa Jamhuuriyadii barakaysnayd waa afkala qaad!.
Hadal iyo dhamaan Gabilay waa goob
lagu hirto se inta Jeel Xaawalaydu jiro magac xumo iyo Sumcad xumo ayeey u
tahay Gabilay ee jeel Dumarkaa albaabada u laaba, oo ka dhiidhiya dhaqan
xumadan Dumarkeena Jamhuuriyada barakaysan waa qaali oo Jeel ma gayaane, hadii
kale reer Gabilayow Dumarkii idinku soo qays-qamaami jiray way idinka fiigi! Oo
waxay odhan Gabilay nagadaaya waa Jeel Dumarka lagu xidhee!.
Illaahay baa Mahad leh
Midnimana Jamhuuriyada barakaysan.
Fuad Fartaag
AFEEF:
Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!