Madaxwaynaha iyo Abtiyaashii
Somaliland soddon sanno oo ay jirtay hahdii ay jirto meelo
aanay ka korin waxaa ka mid ah xisbiyada siyaasada, oo shaqsi ku wareega iyo
qabiilkiisa oo taageerayaal ah, hogaamiye xisbi haduu cadhaysan yahay dabcan,
waxa kale oo cadhaysan qabiilkiisa.
Xisbiyada mucaaradka Somaliland iyo xukuumadda madaxwayne Muuse Biixi waxaaa ka dhaxeeya
khilaaf adag oo aad loogu kala fog yahay. Beesha Garxajis waa taageerayaasha
xisbiyada mucaaaradka ah dhinaca kalana Beeshu waa abtiyaasha madaxwaynaha,
halkan waxaa ka dhalanaya xukun iyo waajib ay tahay in la fahmo, fahanka saxa
ahina waa ka ilaahay iyo rasuulkiisu sheegeen, nabi Maxamed (NNKH) wuxuu
sheegan in qolo, walaashood inankeedu ka mid yahay.
"ابن أخت القوم منهم أو من أنفسهم”
Culumada xadiiskan sharraxday waxa ay sheegeen, in inanku
abtiyaashii kala mid yahay xagga waxtarka, kaalmada, hiilka, iyo damqashada waxa
kale oo intaa dheer in ay isku siryihiin. Hadaba madaxwaynaha Somaliland waxaa
saaaran waajibka ah inuu abtiyaashii waxa ay doonayaan la doono, abtiyaashiina
waxaaa saaran in ay madaxwaynaha u arkaan inuu reerka ka mid yahay.
Somaliland waxa ay markale waajahaysaa imtixaan kale oo la
xidhiidha madaxwayne iyo abtiyaashii oo si khilaafsan dhaqanka iyo diinta
markale kala sir noqday. Si ka duwan 94 kii waxaa nasiib wanaag noqon doona in
Somaliland markan dagaal sokeeye ka dhicin iyo in aan madaxwayne iyo
abtiyaashii mar labaad la kala qaban.
AFEEF:
Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!


0 





