Roobkii Da'ye Sidee Aynu Biyaha Uga Faaiideysan Karnaa ?
Aduunka Waxa La Is Dheer Yahay Inta Garaadka La Adeegsado Iyo Sida Looga
Faa’iideystay Awooda Iyo Garashada Dadka Si Looga Baxo Dhibaatooyinka.
" Sidee aynu uga
faaiideysan karnaa biyaha roobka ? "
Shalay uun bay ahayd
markii aynu qaylo dhaanta abaareed ku yaboohaynay oo ay dadkeenu haraad ugu
dhimanayeen miyiga inaga oo aan magaalooyinkana biyo dadka wada gaadha ku
haysanin.
Waxa la ururiyey ama
lagu hawl galay lacag aan xadigeeda ku qiyaasi karo $10 milyan oo dollar waxii
biyo iyo baad dadka la gaadhsiinayey hadii aanay ka badnayn ba.
Waagaasi waxa baadhay
xadiga la siiyo riiigaga biyaha soo saara oo aan shirkadaha iibiya badhkood
kala xidhiidhay dalka UAE , ka ugu qiimaha jaban waxa la siiyaa $250,000 kun ,
kuwa ugu qaalisanina waa ilaa $750,000 kun , waxa aan isweydiiyey 4 Riig oo aad
soo iibsataan intee ceel biyood ayey sanadkii idiin qodi karaan ?
Dhinaca kale marka
roobku da'o sida xiligani hadda lagu jiro oo kale biyuhu waxa ay inoo dhaafaan
toos oo waxa galaan bada-cas iyo badweynta Hindiya , waxa aynu awoodi karnaa
sidii madaxweynuhuba ka dhawaajiyey in ilaa 8 goobood oo dalka ah laga sameyn
karo biyo qabatin ( dhaam ) si looga faaiideysto biyaha roobka ina dhaafaya.
Waliba waxa aynu ku jirnaa
sanadahani xili aduunku isku raacay in abaar darani Geeska Africa ay ku soo
fool leedahay xiligani oo u baahan ka hortag iyo u tabaabushaysi waxii lagaga
gudbi lahaa waxaana aan u arkaa in loo baahan yahay in hadda wax la iska sii
weydiiyo sida looga baxayo iyo waxa lagaga baxayo.
Isku soo wada xoori
aduunku wuxuu is dheer yahay kaliya sida loo adeegsaday ee looga faaiideystay
garaadka iyo garashada binu-adamka si loogaga baxo dhibaatooyinka ku soo
noq-noqda binu-adamka ee nolosha iyo noolaanshaha lidka ku ah.
Mohamed Abdi Jama
Mohamed Dhimbiil
AFEEF:
Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!


0 





