Shirkii Garxajis:-Garxajis Wuu Hadlay Wuuna Asiibey. Subeer Awalna Wuu Hadlay Oo Ku Taageeray.

0
Saturday October 29, 2022 - 12:30:53 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1577
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Shirkii Garxajis:-Garxajis Wuu Hadlay Wuuna Asiibey. Subeer Awalna Wuu Hadlay Oo Ku Taageeray.

    Hadaba muxuu doonayaa Muuse?

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hadaba muxuu doonayaa Muuse?



Dad badan oo Garxajiska ciilku buuxiyey ka mid ah waxay jeclaayeen in mowqifkaas mid ka fog shirku qaato.  Taas Cukusaa ka hadlay oo faahfaahiyey oo meesheedii dhigay.  Waa mowqif meel dhexe la isugu yimid.  Biyo dhacii shirka waxa ugu muhiimsanaa qodobada hoos ku qoran:-

 

1.       In marnaba Garxajis aanu oggolaaneyn muddo kordhinta Saleebaan Maxamud Aden u kordhiyey Muuse Biixi ee 2 da sannadood ah.

 

2.       In beeshu taageersantay go'aankii guddiga doorashooyinka ee ahaa in doorashada Madaxweynaha ay ku qaban karaan. 9 bilood.

 

3.       Haddii aan la helin xal la isla oggolyahay 13 November ka hor, Garxajis ma oggolaanayo in wax doorashooyin ku sheeg ah ka dhacaan deegaanada beesha Garxajis. Saddexdaas  qodob waa Phase 1 ayaa lagu yidhi gabegabadii shirka.

 

4.       Wejiga 2aad (phase 2 ), wuxuu ku xidhnaan doonaa, sida uu uga fal celiyo Muuse 3 daas qodob ee shirka ka soo baxay iyo sida uu u dhaqmo  13 Novemver kadib., ayaa sidoo kale shirka laga sheegay.

 

Suldaan Xasan wuxuu yidhi  ”Quraanjoy ku quuso ”.

Muj. Ibrahim  Dhagaweyne wuxuu yidhi  ”Nina kibir laga yeeli maayo ”.

Muj. Cali Gurey wuxuu yidhi  ” Hadh cad ayaan cadeyney in wiilkayagu khaldanyey".

Muj. Doolaal wuxuu yidhi  ” Wax kasta oo dalka lagu badbaadinayo diyaar ayaan u nahay ”.

 

Cukusena wuxuu yidhi  ”Aamusnaanta qaarkeed dembi ayaa ka dhasha ”.

 Intaas oo dhan waxay muujinayaa in maanta la joogo habeen Geelu isku calool yahay. Waa habeenka uu ceelka kor fadhiyo, waa guul ooman.

 

Shirweynaha Garxajis  ee Burco lagu soo gabagabeeyey,  wuxuu Muuse Biixi dhigay meel ay afar wado isku gooyaan  (cross roads).  Inaan Garxajis oggoleyn muddo kordhin aan la isla oggoleyn iyo inaan doorasho aan la isla oggoleyn ka dhici karin deegaanada Garxajis. Waxa kale oo cadaatay in dhamaan beelaha Somaliland ay dhamaantood go'aankaas taageersanyiin. Waxa  cad in Jarahaasi godkiisii dhacay.

 

Hadaba Muuse iyo kooxdiisa waxa la gudboon:-

1.       In caqligu shaqeeyo oo uu xal la isla ogolyahay keeno inta ka horeys 13 November.

 

2.       In uu qoriga isugu dhiibo labada wiil ee ku nool bariga Burco iyo galbeedka Burco oo uu sameeyo  Yuroowe 2 Iyo Kabadheere 2 sidii uu sameeyey 1994,  waayo wuxuu haystaa siyaasiyiin ka soo jeeda bariga Burco oo aad ugu dhaga nugul awaamiirta iyo shirqoolada Muuse markey noqoto dhibaateynta beesha Garxajis.

 

3.       Inuu diyaariyo mashruuc la yidhaahdo KHASAB IGU RAAC  oo uu diyaariyo ciidankii khasbi lahaa Ummada Garxajis ee ku nool dhamaan gobolada Somaliland iyo miyigeedaba, sida,  Hargeysa -  Sallaxley , Burco- Ceerigaabo - Maydh-Buurta Daalo- Buura Cabeydh- Jiidali , Berbera  – Shiikh-- Go'da - Mandheera - Gacanlibaax,  Oadweyne- Duruqsi- Ceelxume-Ceeg iyo Harada gubataxil iyo aagag kale oo aan la soo koobi karin.  Muuse waa inuu maskaxda ku hayaa in Beeshaasi degto dhamaan gobolada Somaliland. Sidaas darteed, waa inuu Muuse weydiistaa dowlada Mareykanka ciidaankii uu ku qaban lahaa deegaanadaas.

 

Waxaa hubaal ah in Col.  Maxamed Kaahin iyo siyaasiyiinta beesha bariga burco ay ballanqaadi doonaan in beesha beriga Burco dammaanad qaadeyso oy hayaan ciidankii lagu qaban lahaa dhamaan deegaanada beesha Garxajis . Dadka siyaasad ka faalloda waxay leeyihiin, ballan qaayada noocaas ah ee siyaasiyiinta beriga burco had iyo jeerba la barbar taaganyiin Muuse Biixi, ayaa ah kuwo had iyo jeer xisaabaha ka khalda oo ku riixa inuu qaato go'aamo khaldan.

 

 Siyaasi Jaamac Shabeel wuxuu hore u yidhi waxa iga degi la' oon habeen iyo maalin isweydiiyaa waxa siyaasiyiinta Habar Jeclo u galayaan godobta aanu galayn siyaasiyiin Subeer Awal.  Siyaasiyiinta Habarjeclo waxa looga fadhiyaa ciidankii Muuse Bixii ku qaban lahaa beesha Garxajis.

 

Muuse waxaa hore ugu ergeeyey cid kasta oo magac ku dhex leh Somaaliland, Culimo, Salaadiin, Ganacsato, siyaasiyiin, sharci yaqaano, baarlamaanka oo (go'aankiisii Saleebaan roobka ku tuurey),  beesha caalamka ,  dhamaantoodna waa ka talo diiday.

 

Hadaba muxuu doonayaa Muuse?

1.       Inuu kursiga ku fadhiyo intuu noolyahay, si taasi ugu hirgashona inuu Xisbiga Wadani, iyo Musharax Cirro iyo Gudoomiye Xirsi saaxada siyaasada ka saaro. Xusbigaas iyo musharaxiisa oy u cadaatay inaanu la tartami karin.

2.       Inuu la soo baxo Xusbiyo maqaar saar ah, sida:-  Xusbi Gaboose leeyahay iyo Xusbi kale oo isna maqaar saar ah oo tartanka u qurxiya.

 

Ugu dembeyn Somaliland, Shiikh iyo Shariifba waa u caddahay in Muuse Biixi iyo Askartiisu dalkii inqilaab dhiig badan ku daatay ku qabsadeen.  Muuse iyo koodiisu waxay doonayaan in qabaailka Somaliland iska hor keenaan si aan loogu midoobin oo dagaal sokeeye abuuraan.

 

Sidaas darteed,, marna yaan Muuse loo dakaneyn qabiil, waayo ma jiro qabiil kaliya oo maanta ku raacsan Muuse inqilaabkaas, marka laga reebo ashkhaas kula jira inqilaabka oo qabiil kasta ka tirsan iyo kuwa suldaan Madar u bixiyey Quuqlayaasha  oo Garxajiska ka fallaagoobey ee Muuse Bixii raacay.

 

Ballanku reer Somalilandow, waa midnimo iyo inaan la ogolaan muddo kordhinta Saleebaan iyo inaan la oggolaan doorasho aan ta madaxtooyada ahayn oo ku dhacda wakhtiga uu cayimay guddiga doorashada qarranka.

 

[email protected]


AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...