Dowladda Soomaaliya oo qorshaha deyn cafinta la wadaagtay dalalka Jaamacadda carabta

0
Saturday October 29, 2022 - 10:07:57 in News by Xaaji Faysal
  • Visits: 532
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dowladda Soomaaliya oo qorshaha deyn cafinta la wadaagtay dalalka Jaamacadda carabta

    Wasiirka Maaliyadda Dr. Elmi Mohamoud Nur ayaa diiradda...

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wasiirka Maaliyadda Dr. Elmi Mohamoud Nur ayaa diiradda...



Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Soomaaliya Dr Cilmi Maxamuud Nuur ayaa maanta khudbad ka jeediyay Fadhiga 31-aad ee Wasiirada Maaliyadda Dalalka Jaamacadda Carabta oo sanadkaan lagu qabtay Wadanka Algeria, caasimaddiisa Algiers.


Wasiirka Maaliyadda Dr. Elmi Mohamoud Nur ayaa diiradda ku saaray hadal-jeedintiisii marxaladda Soomaaliya ee dib-u-habeynta Maaliyadda, dhameystirka deyn-cafinta iyo taageerada Wadamada Jaamacadda Carabta ee Soomaaliya.



 

Sidoo kale Shirka Waxaa GoobJoog ahaa Safiirka Soomaaliya ee Dalka Algeria Mudane Cabdulwahaab Mocalim Maxamed iyo Safiirka Soomaaliya ee Jaamacadda Carabta/ ahna Safiirka Soomaaliya ee Dalka Masar Mudane ILyaas Shiikh Cumar.


Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Soomaaliya Dr Cilmi Maxamuud Nuur ayaa inta uu ku sugan yahay Magaalada Algiers waxaa uu kulamo doceedyo kale la yeelan doonaa qaar kamid ah wasiirada ka qeyb galaya shirkaas.

Loading...
Loading...